Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo ku Dhawaaqday in lasoo Afjaray weerarkii lagu Qaaday Hotel...

Dowlada Soomaaliya oo ku Dhawaaqday in lasoo Afjaray weerarkii lagu Qaaday Hotel pearal beach ee Xeebta Liido

0

Dowowlda ayaa Qoraalkaan Goordhow Ku Baahisay Telefeshinka Qaran

Ciidamada ammaanka ayaa soo afjaray maleeshiyaadkii Khawaarijta ee weerarka argagixiso ee naf la caariga ahaa ku soo qaaday hotelka Pearl Beach ee xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanku waxa ay toogteen Khawaarijtii weerarka soo qaaday.

Inta uu socday hawlgalka ciidamada ammaanka waxa ay gudaha hotelka ka soo badbaadiyeen shacab farabadan oo goobta ku sugnaa.

Faahfaahinta waxyeellada weerarkan ka dhashey dib ayaan ka soo sheegi doonnaa Insha Allah.

Ad