Jeneraal Saleebaan Barre Geesood, oo ahaa taliye ku xigeenkii militeriga Somaliland ayaa sheegay inuu kasoo baxay gabi ahaan ciidamada Somaliland, oo uu haatan ku sugan yahay magaalada Laascaanood, isagoo sheegay in dhibaatada heysata uu la qeybsa doono dadkiisa reer Sool.
Taliyaha oo wareysigaan siiyey BBC ayaa sheegay in marar kala duwan uu madaxda Somaliland kala hadlay in dadka Laascaanood aan dagaal lagu qaadin, maaddaama ay yihiin buu yiri dad ay iyagu xukumaan.
Wuxuu sheegay in dadaal kasta uu ku bixiyey in Somaliland ay duulaanka ka joojiso dadkiisa, balse waxaba laga dhageysan waayey, “Waxaan go’aansaday inaan kasoo baxo halkaas, oo ciidanka Somaliland aana kasii mid ahaan, dadkayga ayaan u imid, waxaana la qeybsa doonaan dhibka ay ku jiraan,” ayuu yiri Jeneraal Geeesood.
Markii la weydiiyey sida uu uga soo baxsaday ciidamada Somaliland wuxuu sheegay in markii hore uu u baxsaday dhinaca magaalada Jigjiga, kadibna uu marin kasii dhigtay Buuhoodle, si uu u gaaro Laascaanood, oo uu hadda uu joogo.
Wuxuu sheegay in afar maalmood ka hor uu ka soo baxay ciidanka Somaliland, isagoo cadeeyey in maamulkii ka sareeyey uu ku war-geliyey inuu isaga tegayo shaqada ciidanka.
Ciidankii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayuu sheegay inuu ka tirsanaa jiray, sidoo kale 10-kii sano ee lasoo dhaafay wuxuu sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Somaliland, sanadkii 1998-dii, wuxuu sheegay inuu lasoo shaqeeyey ciidamada Puntland, isagoo kasoo noqday taliyaha nabad sugidda iyo sirdoonka.
Janankaas ka soo goostay Somaliland eek u biiray ciidamada SSC ee Somaliland kula dagaalamaya gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood wuxuu sheegay in ciidankii burburay ee xoogga Soomaaliya uu ku biiray sanadkii 1973-kii, wuxuuna tababarkii ugu horeeyey ku qaatay kuliyaddii Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.