Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maantay la isugu yeeray kulan la hor geynayo mooshin wax looga bedelayo muddo xileedka baarlamaanka iyo madaxtooyada dalka.
Qodobka wax laga bedelayo waa mudada uu xilka heynayo madaxweynaha, isla markaana uu sii joogayo baarlamaanka oo hadda ah 4-sano, waxaana la qorsheynayaa in laga dhigayaa 5-sano.
Guddi loo xil-saaray inay ka soo shaqeeyaan arrintaan ayaa la filayaa inay berri golaha u soo gudbiyaan, kana hor akhriyaan mooshinkaas hadafkiisa yahay muddo kororsiga.
Shirkii golaha wadatashiga qaranka ayaa lagu xusay in madaxdu ay isla qaateen in wax laga bedelo oo sanad lagu daro mudada xilheynta hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.
Sidoo kale go’aanadii golaha wadatashiga qaranka ay soo saareen waxaa lagu xusay in baarlamaanka federaalka la hor geynayo heshiiskaas si sharci rasmi ah loogu bedelo, taas oo ka dhigan in wax ka bedel lagu sameynayo qodob dastuuri ah.
1 – Hindise sharciyeedka qaxootiga iyo magan-geliyo doonka.
2 – Hindise sharciyeedka howlgabka iyo liiltirka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.
3 – Iyo hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka.