Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey aqbaaladda codsiga dowladda Soomaaliya ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey aqbaaladda codsiga dowladda Soomaaliya ee (EAC)

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey aqbaaladda codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneysay ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo ay qalinka ku duugeen Madaxda dalalka ku mideysan dalladan.

Madaxweynaha ayaa oo ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ansixinta codsigooda ku aaddanaa ku biiridda EAC ayaa ku tilmaamay arrinkan tallaabo wanaagsan oo ka tarjumeysa hor u socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo mira-dhalka qorsheyaasha qaran ee ku aaddan soocelinta doorka dalkeennu uu ku lahaa gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Madaxweynaha oo dul istaagay faa’iidooyinka dhaqan-dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee dalkeennu uu ka dhaxlayo ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa sheegay in haataan ay dowladdu bilowday wada-xaajoodyada danwadaagga labada dhinac iyo qeybaha la iska kaashanayo, si uu isugu dheelli-tirnaado wax-wadaqabsigu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxda dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo guddiyada farsamo ee ka shaqeyna ka mid noqosahda Soomaaliya ee dalladan, fursadda ay u siiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay la midoobaan walaalahooda dalalka ku bahoobay dalladan.

Madaxda xubnaha ka ah ururka EAC ayaa shalay ansixiyay warbixintii guddiga qiimeynta codsiga Soomaaliya, kuwaasi oo hore u yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa horraantii sanadkaan ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayada oo ay ka qeyb-galeen wafuuda ka socotay toddobada waddan ee EAC.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 21 Luulyo 2022-ka ka qayb-gelay shir hordhac u ah shir-madaxeedka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay marti-gelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa u gudbiyey codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid noqoshada Soomaaliya ee dalladan.

14-kii August, wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdisalaan Hadliye Cumar, oo hore usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya loogu magacaabay ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweynaha ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii ay Soomaaliya uga mid noqon laheyd EAC, ayada oo madaxda dalladan uu la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhameystirka dhamaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay dalladdan.

Ad
Previous articleMucaaradka Somaliland oo meel adag iska taagay qorshaha madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee doorashooyinka
Next articleSenegal: Sagaal qof oo ku dhintay rabshado ka dhashay xukun lagu riday hoggaamiyihii mucaaradka