Kooxda Al-Shabaab ayaa xir-xirtay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ajaanib ah oo ku sugnaa gudaha Soomaaliya, kana barbar dagaalamayay kooxda, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.
Horjoogayaashan la xiray ayaa ka qeyb qaatay dhowr dagaal oo ay kooxda gashay, marka laga tago labadan horjooge, waxa kale oo la xir-xiray in ka badan labaatan ajaaniib ah oo iyaguna lagu eedeeyay inay ku aragti yihiin horjoogayaasha aan magacyadooda soo sheegnay.
Raggan ajaaniibta ah ee la xiray ayaa la sheegay in ay ka biyo diideen ka qeyb qaadashada dagaalka ay kooxdu ka wajeyso dowladda federaalka iyo inay doonayeen in ay ku laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen.
Arrimahan ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe ay warbaahinta dowladda baahineysay inay soo badanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka ajaaniibta ah ee ka hor imaanaya horjoogayaasha Soomaalida ah.
Xubnahan ayaa lasoo wariyay in qaarkood si cad u sheegeen in aysan ka mid ahaan karin maleeshiyaadka Al-Shabaab, taas oo keentay in la khaarijyo ajaaniibta qaarkood oo awood ku dhex lahaa argagixisada, halka kuwo kale xabsiga loo taxaabay, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.
Si kastaba, marka laga soo tago xogtan ay baahisay dowladda, waxay muddooyinkii dambe baahineysay waxyaabaha ka dhex socda kooxda, ayada oo hore baahisay in horjoogayaasha Al-Shabaab ay dhexdooda is-ugaadhsanayaan kadib markii uu jab xooggan kasoo gaaray dagaalka, ayna wajaheyso culeys dhaqaale oo baahsan.