Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Qatar ayaa Muqdisho ku soo bandhigay heshiis iskaashi horumarineed si ay u daahfuraan barnaamijka gargaarka abaaraha iyo adkeysiga oo ay ku baxeyso $10.5 milyan oo uu dhaqan-galinayo barnaamijka dhisidda adkeysiga bulshooyinka ee Soomaaliya (BRCiS).
Mike Nithavrianakis, Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo munaasabaddaas ka hadlay ayaa ka dhawaajiyay in xaaladda Soomaaliya ay weli halis tahay, islamarkaana ay boggaadinayaan bixinta gargaarka bini’aadnnimo ee joogtada ah.
“Xaaladda Soomaaliya weli waa halis. Waxaan bogaadinaynaa bixinta gargaarka bini’aadannimo ee joogtada ah ee ay bahwadaagteena ku bixiyeen ka hortagga macluusha dalka oo dhan sanadkan,” ayuu yiri Amb. Mike Nithavrianakis.
“Tani waa mid muhiim ah, laakiin gargaarka bini’aadannimo oo keliya ma xallin karto dhibaatada. Taasi waa sababta UK ay u xoojineyso ka jawaabidda BRciS ee abaaraha iyadoo loo marayo wadashaqeynta Mareykanka iyo Qatar.”
Mudane Dr. Abdullah bin Salim Al-Naciimi ayaa ugu dambeyntiina sheegay in bixinta taageerada bini’aadannimo iyo gargaarka ay yaraynayso malaayiinta ay saameeyeen xaaladaha bini’aadannimo, isaga oo tilmaamay inay ka shaqayneyso ka hortagga xaaladaha abaaraha ee ka jira Soomaaliya.