Danjiraha xafiiska kasii tegaya ee dowladda dalka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Larry André oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee Sool.
“Aniga saaxibada kale ee caalamka waxaan warsaxaafadeed kasoo saarnay durbadiiba markii uu billowday dagaalka, waxaan ku baaqnay in colaada la joojiyo miiska wadahadalka lagu xalliyo khilaafka” ayuu wareysigan ku yiri safiirka xilka kasii tegaya ee Larry André.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waxaan si toos ah ula hadlay hoggaamiyeyaasha Hargeysa, Laascaanood iyo Garoowe”.
Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay inay horay u caddeeyeen mowqifkooda, isla-markaana sii socosha dagaalkan ay ka dhalan cawaaqib xumo, sida uu hadalka u dhigay.
“Si cad ayaa u sheegnay halka aan ka taagnahay dagaalkaas, kadib wadahadalkii aan la yeeshay madaxweyne Biixi iyo qoraalkii aan soo dhigay baraha bulshada. Haddaba waxaan ku sheegayaa in sii socoshada dagaalkan ay ka dhalan karto cawaaqib dhanka sharciga ah oo dhankeena ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay safiirka waddanka Mareykanka.
“Go’aanadda noocaas waxaa gaara mas’uuliyiin sar sare oo ku sugan Washington, marka la gaaro go’aanadaas lama shaaciyo cidda la saaray cunaqabeynta, balse waxaa la shaaciyaa in aan qaadna tallaabadaas oo ah mid aan jecleyn, balse laga fursan waayay ” ayuu yiri.