Home Wararka Maanta Ganacsato loo haysto kiis xasaasi ah oo la horgeeyay maxkamadda G/Banaadir

Ganacsato loo haysto kiis xasaasi ah oo la horgeeyay maxkamadda G/Banaadir

0

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Saleebaan Maxamed Maxamuud oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in xafiiskiisa uu  Maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay ganacsato iyo shirkado loo haysto kiis xasaasi ah, kuwaas oo maalmo kahor lagu soo qabtay howlgal qorsheysan uu ka dhacay Bakaare.

Ganacsatadan ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inay iibanayeen raashin iyo cabitaano dhacay, kuwaas oo halis ku ah bulshadeena.

Sidoo kale xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in ganacsatadan iyo shirakadaha ay jawaano iyo taariikh cusub siiyeen cunooyinka iyo cabitaanada dhacay.

“Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaaditr 9 eedeysane iyo shirkado lagu soo xiray ka ganacsiga cunnooyin iyo cabitaanno dhacay, ayaga oo jawaano iyo taariikh cusub siinaya,” ayaa lagu yiri qoraalka Xeer-ilaalinta.

Qoraalka ayaa intaasi kusii daray “Marka ay baarista soo dhammaato waxa uu xafiiska eedooda u gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh”.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale digniin culus u diray cid kasta oo ku howlan kaydinta iyo ka ganacsiga raashinka dhacay oo halis ku ah bulshada.

Dhanka kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa farriin gaar ah u diray dadweynaha Soomaaliyeed, isaga oo ku booriyay inay arrintaan kala shaqeeyaan hay’adaha ammaanka.

‘Wuxuu xafiisku ku boorinayaa bulshada Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, si loo soo afjaro falalka khatarta ku ah bulshada,” ayaa markale yiri qoraalka.

Ugu dambeyn Xeer Ilaalinta ayaa boggaadisay dadaalka hay’adaha ammaanka ee dowladda oo howlgal ay ka sameeyeen Bakaaraha kusoo qabtay ganacsatada la geeyay maxkamada.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articlePuntland oo ka Jawaabtay Hadalkii kasoo Yeeray FARMAAJO
Next articleBarfasoore baangad ku eryatay wariye oo tallaabo laga qaaday