Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH: Madaxweyne Xasan oo safar qarsoodi ah ku tegay...

WAR DEG DEG AH: Madaxweyne Xasan oo safar qarsoodi ah ku tegay dalka…

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka safar aan la shaacin ku aaday dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida ay ogaatay Waraahinta Mudug24.

Safarkan, oo ah mid qarsoodi ah oo aan si rasmi ah loo shaacin, ayaa waxa uu imanaya maalmo kadib markii uu madaxweynaha booqasho rasmi ah ku tegay dalka Qatar, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Safarkan uu saaka ugu ambabaxay Imaaraadka Carabta ayaa noqonaya safarkii afaraad oo madaxweynuhu ku tago dalkaasi, muddo sanad ah oo uu xafiiska joogo, tan iyo markii dib loo doortay ee 15-ka May ee 2022-ka.

Safarkan ayaa imanaya xilli labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan, islamarkaana ay gaareen heshiis militeri oo dowladda federaalka Soomaaliya ka saacidaya la-dagaalanka Al-Shabaab iyo qorshaheeda xasillinta caasimadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhawaan qiray in Imaaraadka uu Soomaaliya soo garab istaagay xilli ay aad ugu baahneyd, ayna tahay in sida ugu haboon looga faa’iideysto fursada uu siiyay dalkeena iyo kuwa kale ee caalamka ahba ay la garab taagan yihiin.

Iskaashiga cusub ee Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu DF ka caawin doona in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howl-gallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtidda dowladda ee amniga.

Soomaaliya ayaa rabta inay dhameystirto diyaarinta ciidan ku dhaw 15,000 askari sanadkaan aan ku jirno ee 2023-ka, sida uu kal hore shaaciyay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, Isku-haynta Qatar iyo Imaaraadka waa tijaabo gaar ah xilligaan, waxaana isha lagu wada haya qaabka sida uu madaxweyne Xasan Sheekh u wada hanan karo cilaaqaadka Doha iyo Dubia.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Qaraxyo Ka Dhacay Muqdisho iyo Ciidamadii Sugaayay Amniga mUqdisho oo ku Geeriyooday(Sawiro)
Next articleMasuulin Sare sare oo ka Tirdan Dowlada oo Xabsiga Lagu guray