Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Xalay gaaray magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.
Madaxweynaha ayaa berri oo Jimce ah ka qeyb-gali doona Meertada 32-aad ee hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo lagu gorfeynayo qadiyadaha wada-jirka ah ee ay wadaagaan dalalka Carabta iyo arrimaha Gobolka.
Xasan Sheekh ayaa waxa uu la wadaagi doona Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda dalalka Carabta xaaladda Soomaaliya, guulaha laga gaaray dowlad-dhiska, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmihii dambe ku sugna magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, hakaasi oo caawa uga soo duulay magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa kulankooda diirradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar, taasi oo dhabbaha u xaareyso adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, kaasi oo uu haatan taageero caalami ah u raadinayo madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana dhawaan la filayaa in dalka ka billowdo wejiga labaad ee dagaalkan oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.