Home Wararka Maanta Askari Dilay Askari kale oo Dalka Dibadiisa U baxsady oo ugu Danbayn...

Askari Dilay Askari kale oo Dalka Dibadiisa U baxsady oo ugu Danbayn Laga Soo Dajiyay Garoonka Aadan caade

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in eedeysane Dable Boolis, Zakariye Cali Axmed Cosobow oo ku eedeysan inuu geystay dil bareer ah maanta laga soo dejiyay magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa waxa laga soo qabtay dalka Koonfurta Sudan, waxaana diyaarad sidda eedeysanahan ay kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida uu shaaciyay Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Garoonka ayaa waxaa xilligaas ku sugnaa ehelada Marxuumka, saraakiil ka tirsan Boliiska Soomaaliyeed iyo Boliiska Interpol iyo masuuliyiin kale.

“Diyaarad sidda eedeysane Dable Boliis. Zakariye Cali Axmed Cosobow, oo ku eedeysan inuu 28/July/2022, Degmada Dayniile gaar ahaan Waaxda Kordamac ugu geystay dil bareer ah Marxuum Ex- Xidigle Boliis Cali Xasan Siyaad (Cali Tareen) oo ka tirsanaa Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa dhawaan soo caga dhigtay Garoonka Diyaarada Caalamiga ah ee Aadan Cadde,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Soo qabashada eedeysanahan ayaa waxaa ka wada shaqeeyay Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Booliska Caalamiga ah ee Interpol, taasi oo lagu tilmaamay inay caddeyn u tahay in cidna aanay ka dhuuman karin awoodda sharciga.

“Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa Xeerilaalinta Ciidamada ka eedeeyay eedeysane Zakariye Cali, Iskaashi dhex maray Boliiska Soomaaliyeed iyo Boliiska Caalamiga ah ee (Interpol) ayaa fududeysay in eedeysanahaan laga soo qabto dalka Koofurta Sudan.”

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa 10-kii bishaan shaaciyay in uu dhawaan soo bandhigi doono eedeysanayaal dambiyo dalka ku galay, kuwaasi oo ka maqan. Tallaabadan ayaa waxay qeyb ka tahay sidii cadaalad loogu qaado, sida ay qabaan shuruucda iyo qawaaniinta dalka u yaala.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa dhawaan soo bandhigidoona eedeysanayaal dambiyo dalka ku galay si cadaalad loogu qaado sida ay qabaan Shuruucda iyo Qawaaniinta dalka u yaala.”

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xilligaan waxa uu xubin buuxda ka yahay Booliska caalamka ee Interpol, taas oo qeyb libaax ka qaadatay la-dagaalanka dambiyada xaduudaha ka gudba iyo kuwa caalamiga ah.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleErdogan oo ka Hadlay Wareega Cusub ee loogu Gudbayo Doorashada Turkiga
Next articleWAR DEG DEG AH:Dagaal Culus oo Ka Socda Magaalada Garowe