Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta ciidamo horleh iyo saraakiil ka tirsan ciidanka milatariga Somaliland ay ka goosteen maamulkasi, kuwaas oo si toos ah ugu biiray ciidamada SSC-Khaatumo.
Ciidamadan iyo saraakiishooda ayaa Hoostagayay ciidanka uu maamulo Mahad Cambaashe oo ku sugan afaafka hore ee jiida dagaalka.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay u baxsadeen dhinaca degaannada hawdka ee gobolka Sool, halkaas oo ay difaac ka galeen, maadaama ay isaga baxeen Somaliland.
Sida ay ogaatay Mudug24, ciidamadan ayaa gaaraya ilaa tobaneeyo askari iyo saraakiishooda, waxaana la sheegay in saacadaha soo socda ay gudaha u geli doonaan Laascaanood, oo hadda laga dareemayo qaban qaabo ku aadn soo dhaweyntooda.
Ad