Home Wararka Maanta Muxuu barnaamijka Deris-wanaagga ka beddeli karaa amniga Soomaaliya?

Muxuu barnaamijka Deris-wanaagga ka beddeli karaa amniga Soomaaliya?

0

Kulan saddex geesood ah oo u dhaxeeyay dowladaha Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa toddobaadkan ka dhacay magaalada Mandera ee ku taalla xuduudda Kenya iyo Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax ka kala socotay saddexda dal iyo waliba danjiraha UK u fadhida dalka Kenya.

Dhanka Soomaaliya waxaa kulanka ku matalayay wasiirka amniga Maxamed Sheekh Cali Doodishe, halka Kenya ay matalayeen madaxwayne ku xigeenka Rigathi Gachagua iyo waliba wasiirka amniga qaranka dhanka Itoobiya -na uu shirka joogay wasiirka arrimaha gudaha.

Mashruucan oo loogu magacdaray Deris-wanaag ayaa waxaa maalgalinaysa dowladda Britain, waxaana looga gol leeyahay in dalalkan dariska ah ay iska kaashadaan arrimaha ammaanka iyo iyo sare u qaadidda ganacsiga iyo isu-socodka.

Safiirka dowladda UK u fadhida Kenya Jane Marriot ayaa sheegtay in barnaamijkan uu yahay mid fursad u ah saddexda dal in ay iska kaashadaan arrimaha amniga.

“Waxaan rumeysnahay in barnaamijkan uu yimid xilli ay fursad jirto taasi oo marka shuruudaha la fuliyo la qorsheynayo in xuduudda dib loo furo iyo ballanqaadkii ay dhawaan ku sameeyeen dalalka safka hore shir-weynihii lagu qabtay Soomaaliya,” ayay tiri Marriot.

Waxaa ay intaa ku dartay in ay dowladda UK diyaar u tahay in dalalkan ay ku garab istaagto la dagaalLanka argagixisada.

“Diyaar ayaan u nahay inaan idinku garab istaagno xoogaggan doonaya in ay carqaladeyaan nolosha argagixisadana wada, waxaana annaga oo barnaamijkan u sii mareyna aan idin siin doonnaa taageero,”

Madaxwayne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua oo shirkaasi furay khudbadna ka jeediyay ayaa sheegay in xasiloonida Soomaaliya iyo Itoobiya ay dan ugu jirto Kenya.

“Soomaaliya oo ay degganaashiyo ka jirto iyo Itoobiya oo deggan waxay qeyb ka qaadanaysaa xasiloonida Kenya, carqaladeyn kasta oo ku timaadda nabadda dalalka aan dariska nahay ayaa waxay halis ku tahay xasiloonideenna,” ayuu yiri Mr Gachagua.

Mr Gachagua ayaa waxaa uu ugu baaqay madaxda saddexda dal in ay ku dadalaan sidii loo dhaqan galin lahaa barnaamijkan ay maalgalinayso dowladda UK.

“Saddexdeenna dal ayay u taallaa qaabkii loo hirgalin lahaa masruucan si sidaasi daraadeed aan u abuurno nabad joogta ah iyo xasiloni ka hirgasha gobolkan” ayuu intaa ku daray.

Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Sheekh Cali Doodishe ayaa dhankiisa soo dhaweeyay mashruucan (Deris wanaag) ee ay dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya isaga kaashanayaan ammaanka iyo xisiloonida.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in dalalkan laga doonayo in ay masruucan ka faa’ideystaan iyada oo laga faa’ideysanayo casharradii laga bartay waaayahan.

“Kulankani waxaa uu na siinayaa waqti habboon oo aan dib ugu milicsanno wada shaqeynteenna iyo iskaashigeenna, waxaa uu sidoo kale fursad noo siinayaa in aan isticmaalno casharradii aan barannay si aan sare ugu qaadno himilooyinkeenna mustaqbalka” ayuu yiri Mr Doodishe.

Wasiir Doodishe ayaa Itoobiya iyo Kenya uga mahadceliyay ciidamadooda qeybta ka ah kuwa nabad ilaaalinta ee ATMIS.

“Waxaa uu qarankeenna bogaadinayaa sida da’yartiinna isugu jira ragga iyo dumarka ee ka kala socda Kenya iyo Itoobiya iyo waddamada kale ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay naftooda ugu hureen gacanna ka gaystay dagaalka aan sida wadajirka ah ugula jirno fikiradda xagjirka,” ayuu intaa ku daray.

Wasiirka amniga iyo nabadgalyada dalka Itoobiya ayaa dhankiisa ugu baaqay madaxda saddexda dal in ay ka dhabeeyaan dhaqangalinta mashruucna uuna noqdo sii socda muddo dheer.

Muxuu yahay mashruuca Deris wanaag?

Masruucan ayaa ah iskaashi saddexda sano ah, waana mid laga fulinayo xudduudaha Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana sare loogu qaadayaa arrimaha amniga.

Ujeeddada mashruucan ayaa ah sidii xal waara loogu heli lahaa amni-xumada iyo xasillooni-darrada soo noqnoqtay ee xudduudda ka jirta.

Waxaa sidoo kale looga gol leeyahay mashruucan in la isugu furo xudduudaha saddexda dal iyo fududeynta isu socodka dhanka ganacsiga.

Masruucan oo ay maalgalinayso dowladda UK ayaa waxaa lagu dejin doonaa siyaasado iyo barnaamijyo si loo fahmo sababaha abuuraya amnidarrada, dhinacyada qeybta ka ah iyo sidii gacan looga geysan lahaa la dagaallanka argagixisada.

War-saxaafadeed uu soo saaray wasiirka amniga UK Tom Tugendhat ayuu ku sheegay in barnaamijkan uu wax ka qaban doono sababta keentay argagixisanimada, waxna looga qaban doono khatarta sii kordheysa ee ka imaaneysa ururka Daacish ee gobolka, la dagaallanka dambiyada abaabulan ee halista ah, iyo wax ka qabashada lacagaha sida sharci darrada ah loo kala gudbiyo.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDuqa magaallo ka tirsan Sweden oo soo gaaray Muqdisho(Sawiro)
Next articleRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay guddiga tira-koobka iyo soo celinta hantida qaranka