Home Wararka Maanta Dowladda oo Shaacisay in la dilay in ka badan 40-dagaalyahan oo katirsan...

Dowladda oo Shaacisay in la dilay in ka badan 40-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab

0

War saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in hawlgal qorshaysan oo ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen degaanka Cali Fuuto ee hoos taga degmada Kurtun Waarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay  44 xubnood oo ka tirsanaa  Al-Shabaab .

Dowladda ayaa sheegtay in xubnahan Al Shabaab katirsanaa ee la dilay ay isugu jireen horjoogeyaal iyo maleeshiyaad, kuwaasi oo isku aruursanayay godad ay ka qoteen deegaanka Cali Fuuto ee lagu weeraray.

Howlgalkan ayey dowladdu sheegtay in uu dhacay shalay oo taariikhdu ku beegneed 12-ka May, waxa ayna sheegeen in sirdoonka NISA ay muddo hayeen xogta kooxdan oo isku aruursanayay goobta lagu weeraray.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkaan sidoo kale lagu bur buriyay godad ay halkaas ka qoteen kooxda Al Shabaab, hub iyo saanado kale oo ay ku aruurinayeen dagaalamayaasha Al Shabaab.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweyne mayal adkaa, maantana shacabka basaska la raaca kuna laabtay Xirfadiisi macalinimada
Next articleDuqa magaallo ka tirsan Sweden oo soo gaaray Muqdisho(Sawiro)