Home Wararka Maanta Sarkaal sare iyo ciidamo kasoo goostay Somaliland oo ku biiray SSC

Sarkaal sare iyo ciidamo kasoo goostay Somaliland oo ku biiray SSC

0

Wararka aynu ka heleyno gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta sarkaal sare iyo ciidamo uu wato oo kasoo goostay Somaliland lagu soo dhaweeyay nmagaalada Laascaanood oo ay haatan gacanta ku hayaan ciidanka SSC.

Sarkaalkan ayaa lagu sheegay inuu hadda ahaa Abbaan-duulihii Qeybta 7-aad ee ciidamada Somaliland, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Sidoo kale waxaa la socday ciidamo wata gaadiid dagaal, kuwaas oo toos ugu biiray SSC-Khaatumo oo haatan dagaal kula jirta milatariga Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in sarkaalka is dhiibay uu ka mid ahaa ciidamadii uu hogaaminayay Mahad Cambaashe ee bilo kahor laga saaray gudaha magaalada Laascaanood.

Sida aan xogta ku helnay waxa ay sarkaalkan iyo ciidamadiisa ay haatan kasoo baxeen xero ay ku lahaateen deegaanada Samakaab iyo Yagoori oo ay muddo dheer joogeen.

Ciidamadan usoo goostay dhanka SSC ayaa ka mid noqonaya askar maalmihii u dambeeyay ku biireysay ciidanka dadka degaanka, ayaga oo kasoo baxay Somaliland.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan arrinta ciidamadaas uga soo goostay dhanka SSC oo dagaal kula jirta maamulkaasi.

Ma’aha ciidamo oo kaliya waxa isa soo dhiibaya, waxaana kamid ah mas’uuliyiin sar sare oo uu ugu dambeeyay Daahir Maxamed Axmed oo ahaa madaxa waxbarashada gobolka Sool ee Somaliland, kaas oo shalay ku biiray SSC-Khaatumo.

Ninkan ayaa sidoo kale lasoo goostay gaadiid dagaal oo ay lahayd Somaliland, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay gudaha magaalada Laascaanood.

Xaaladda ayaa weli cakiran, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo gobolka Sool ay sheegayaan in ciidanka labada dhinac ay weli isku horfadhiyaan duleedka magaaladaas.

Xubno ka Tirsan Kooxda Shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa daraawiishta Jubaland ay iska kaashadeen howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab. Howlgalkaan ayaa ka

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,
Ad
Previous articleMadaxweynaha Dowladda Hirshabeelle oo maanta Magaalada Beledweyne kulan kula qaatay Wakiilada Qaramada Midoobay kasocday(Sawiro)
Next articleAabihii dhalay wiilka 3 sano jirka ahaa ee xubinta taranka laga jaray oo ka Hadlay Dhacada Xanuunka Badan oo loogaystay Wiilkiisa