Home Wararka Maanta Puntlad oo Si Kulul uga Jawaabtay Hadalkii kasoo Yeeray Habeen Hore Madaxweyne...

Puntlad oo Si Kulul uga Jawaabtay Hadalkii kasoo Yeeray Habeen Hore Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Dowlad goboleedka Puntland oo soo saartay warsaxaafadeed ayaa jawaab kulul ka bixisay hadalkii dhowaan kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hoos u dhigay khilaafka dowladdiisa kala dhexeeyo maamulka Garoowe, isaga oo sheegay in uusan ogeyn waxa ay ka tabaneyso Puntland.

Qoraalka ay soo saartay Puntland ayaa lagu soo koobay 10 oo loogu jawaabay madaxweynaha, isla-markaana lagu caddeeyay tabashada ay Puntland ka qabto dowladda federaalka.

Halkan hoose ka aqriso:- 

Mudane Madaxweyne, Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland waxay isku hayaan cid kaagama xog ogaalsana, adna waad ogtahey, annaguna waan ognahey, umadduna waa ogtahey.

Madaxwayne Puntland tabasho ma qabto ee talada dalkey wax ku leedahey, lagamana tillaabsankaro, dhiig iyo dhaqaaley ku bixisay dhismaha dowladnimada dalka iyo soocelinta Jamhuuriyadda 3aad ee Somalia oo ah tan maanta jirta.

Dowladda Federaalka iyo Puntland 10kii sano ee u danbeeyey waxay isku hayaan 10 arrrimood oo ah masiiri iyo dastuuri. Puntland 10kii sano ee u danbeeyey waxay ku doodeysey in dowladda Federaalku ogolaato in dalku Federaal yahey, lagu dhaqmo dastuurka ku meel gaarka ah, lagana heshiiyo 10 kaan arrimood oo saldhig u ah dhamaystirka Dastuurka iyo dowladnimo waarta oo ku dhisan hanaan Federaali ah.

1. Ilaalinta midnimada dalka, iyo in Dowladda Federaalka difaacdo oo caddayso mowqifkeeda ku aadan kala goynta dalka, waa arrin si gaar ah u taabaneysa Puntland, waana tan maanta ka taagan SSC.

2. Dhamaystirka Dastuurka dalka, ayadoo loo marayo hab ku dhisan wadatashi ah iyo heshiis siyaasadeed loo dhanyahey.

3. In laga heshiiyo Hanaanka Amniga Qaranka, sida loo dhisayo iyo siday u shaqeynayaan ciidamada qalabka sida ee dalka.

4. In laga heshiiyo sida loo maamulayo, iyo sida loo wadaagayo khayraadka dalka.

5. In laga heshiiyo, lana kala saaro awoodaha iyo siday u wadashaqeynayaan hayadaha Federaaliga ah iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

6. In laga heshiiyo hanaanka caddaaladda iyo garsoorka dalka, iyo sida maxkamaduhu u kala leeyihiin awoodaha iyo dacwadaha ay galayaan.

7. In laga heshiiyo hanaanka dhaqaalaha iyo sida maaliyadda dalku u noqon lahaa mid Federaali ah oo daah furan.

8. In laga heshiiyo nooca iyo siday noqoneyso doorashada hayadaha Federaalka ee dalka.

9. In laga heshiiyo maqaamkay yeelaneyso caasimadda dalka, mattalaadeeda iyo sharciga lagu maamulayo

10. In laga heshiiyo shuruucda iyo xeerarka dalka intaan la horgeyn golayaasha hayadaha Federaalka ah.”

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleAabe Maxamad Cali Cilmi oo Wiilkiisa Maxamuud Si Arxan Dara ah ugu Dilay Muqdisho oo Gacanta Lagu Soo Dhigay
Next articleXasan Shiikh oo Kulan Saacado Badan Qaatay la Yeeshay Qoor Qoor Laftagareen iyo Cali Guudlaawe