Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare ee BFS Cabdullaahi Hirsi Timacade,Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Masuuliyiin kale ayaa Maanta Booqday Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa Masuuliyiintaan ku sodhaweeyey Xarunta SoDMA.
Guddoomiye Timacade iyo Masuuliyiinta kale ee la socday ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xafiisyada hay’adda iyo xarunta Qaran ee ka digista halis-wadareedka,iyaga oo amaanay shaqada hay’adda u heyso bulshada somaaliyeed sida ay marwalba uga jawaabayso xaladaha adag ee ka taagan qeybo kamid ah dalka.
Ad