Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan kuwa Dowladda Galmudug, maaddaama ay tahay maalinta shaqaalaha adduunka, isagoo uga mahadceliyay kaalinta la mahdiyay ee ay ka qaateen jiritaanka bulsho, deegaan, gobol iyo dalba.
Madaxweynaha oo farriin u mahadcelin ah diray ayaa yiri “ Waxaan idin kaga mahadcelineynaa shaqada adag ee aad ka heysaan dalkiinna, una heysaan dadkiinna. Waxaad laf dhabar u tihiin jiritaanka bulsho iyo dowladeed ee dalkeenna”
Ad