Home Wararka Maanta Gudoomiye Madaale oo sii wada dagaalkiisa ka dhanka ah Maandooriyaha Tagayna Hoyga...

Gudoomiye Madaale oo sii wada dagaalkiisa ka dhanka ah Maandooriyaha Tagayna Hoyga Maandooriyaha Muqdisho

0

Xalay saqdii dhexe duqa caasimadda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale iyo ciidamada amamanku waxay galeen, guryo ku yaala deegaanka Gubadley ee woqooyiga Muqdisho, halkaas oo la sheegay in lagu sameyn jiray khamrada macmalka ah ee loo yaqaano calaqa.

Duqa Caasimaddu waxa uu sheegay inay halkaas ugu tageen warshad lagu sameeyo calaqa, iyo jawaanno ay ka buuxaan maandooriyaha loo yaqaano xashiishka.

“Hadda waxa gacanta lagu hayaa labo baabuur, iyo kuwii calaqa karinayay, dadkii iska lahaana waa naloo sheegay magacyadooda, iyagana waan daba gali doonaa waana la soo qabanayaa, laga bilaabo saacadan, waxay ciidamada ammaanku amar u qabaan inay baadi goobbbaan gacantana ku soo dhigaan gabadha iyo wiilka hadda magacyadooda naloo sheegay.” Ayuu yiri gudoomiye Madaale.

Dadka la qabtay iyo waxyaabaha ay farasameynayeen ayaa lagu wadaa in la geeyo maxkamad, iyadoo dacwad lagu soo oogi doono sida uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale. “Calaqa meeshan yaalo, qaar kamid ah halkan ayaan ku daadin doonaa, kamana tagi doono, innagoon ku hubbsan godka, qaarkoodna waa la qaadayaa, maxkamad baa lagu saarayaa dadkii gacanta ku hayay, qaabka sharciga ayaana la marsiinayaa.”

Ad
Previous articleDeni oo weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya eedayn Culusna U jeediyay
Next articleSarkaal ka tirsan xisbiga talada haya ee Axmaarada oo toogasho lagu dilay