axaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad siday muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo qaaday dalka Sudan , uu ka qarxay dagaal sokeeye oo u dhaxeeya ciidamada ugu awoodda badan dalkaasi.
Masuuliyiin katirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa kusoo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu soo celiyay Muqdisho oo tiradooda gaareyso 18-qof.
Dowladda Soomaaliya ayaa wada dedaalo ay ku dooneyso in dalka dib ugu soo celiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wali ku go’doonsan magaalada Khartuum iyo magaalooyin kale oo katirsan dalka Sudan.
Soomaali badan oo horey uga qaxay colaada dalka Sudan ayaa horey u gaaray dalalka Itoobiya iyo Koonfurta Sudan, waxaana wali jira Soomaali u badan arday oo ku go’doonsan gudaha dallka Sudan iyo xuduudaha dalkaasi.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay