Home Wararka Maanta Shirka Arimaha Doorashada oo Maalintii labaad galay

Shirka Arimaha Doorashada oo Maalintii labaad galay

0

Waxaa maalinkii labaad galay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka ee uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka oo ayaa qeyb galayaan madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa shalay ku bilowday jawi wanaagsan oo yididiilo leh, waxaana maanta sii socon doona wada hadallada  la xiriira arrimaha muhiimka ah ee ku saabsan doorashooyinka dalka iyadoo laga amba qaadayo heshiiskii 17-kii September iyo soo jeedinnadii 16-kii February.

Ra’isul Wasaaraha wax uu doonayaa intii suuragal ah in la soo koobo qodobbada muhiimka ah ee ay madaxdu kaga xaajoonayaan kulamadoodu si xal ka gaaristoodu ay u fududaato iyada oo maanka lagu hayo isu tanaasul, is qancin walaaltinimo, ahmiyadda koowaadna la siinayo badbaadada shacabka Soomaaliyeed iyo dalka uu aado doorasho leysla ogol yahay oo dhaqso ku qabsoonto.

Kulamada Madaxdu waxa ay  ku socdaan sidii Ra’isul Wasaaruhu u qorsheeyay oo ay ku jirto in mararka qaar hadii muhiim loo arko in Madaxdu ay ballamo gaar gaar ah sameystaan oo si hoose u wada hadlaan.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ka mahadcelinayaa taageerada Shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta oo ay ku jiraan Midowga Murashaxiintu u muujiyeen dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee ku aaddan in heshiis laga gaaro sidiii dalku doorasho u aaddi lahaa sida ugu degdegta badan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleQaar kamid ah Madaxda dowlad Goboleedyada & Midowga Musharixiinta oo kulmay
Next articleBoliiska Soomaaliya oo isbedel ku sameeyay Saraakiil Ka Tirsan Boliiska Soomaaliya