Home Wararka Maanta 10 Ruux oo hal qoys kawada tirsan oo lagu toogtay Koonfur Africa

10 Ruux oo hal qoys kawada tirsan oo lagu toogtay Koonfur Africa

0

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in toban ruux oo isku qoys ahaa lagu dilay weerar lagu qaaday guri ay deganaayeen.

Todobo dumar ah iyo saddex rag ah ayaa la dilay ka dib markii gurigooda oo u dhow magaalada Pietermaritzburg la weeraray subaxnimadii Jimcaha.

Wasiirka booliska Bheki Cele ayaa sheegay in laba tuhmane la soo qabtay, mid la toogtay mid kalena weli gacanta lagu hayo. Ujeedada ma cadda.

Koonfur Afrika waxa ay ka mid tahay dalalka ay dilalka ugu badan ka dhacaan.

booliska ayaa markii hore lagu wargaliyay toogashada kadib markii dadka deriska ay maqleen dhawaqa rasaasta.

Mr Cele waxa uu sheegay in mid ka mid ah dhibanayaasha uu da’diisu ahayd 13 jir.

“Waxay qabteen laba qof, mid waa dhaawacmay, mid waa dhintay, mid waa cararay, saddex qorina waa laga furtay,” ayuu u sheegay wariyeyaasha isagoo ku sugan goobta ay toogashadu ka dhacday oo ku taalla degmada Imbali ee bariga gobolka KwaZulu-Natal.

Sida ay ku warameen warbaahinta gudaha, dableyda hubeysan ayaa u suuragashay in ay gudaha u galaan hantida, kadib markii ay iska dhigeen ciidamo boolis ah.

Booliska ayaa sheegay in mid ka mid ah tuhmanayaasha oo ah ninka la toogtay uu ku jiray liiska dadka la raadinayey muddo dheer.

Waa toogasho wadareedkii labaad ee todobaadkan ka dhacda gobolka KwaZulu-Natal ka dib markii afar qof lagu toogtay maalintii Khamiista guri kale oo ku yaala waqooyiga magaalada dekedda leh ee Durban.

Bishii Janaayo, sideed qof ayaa lagu toogtay xaflad dhalasho oo ka dhacday magaalada Gqeberha ee gobolka Eastern Cape.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleBajaajlayda Muqdisho oo Sharci adag lagu soo Rogay oo Beri ka Bilaabanaaya Muqdisho
Next articleAlshabaab oo Maxaabiis iyo Gaadiid looga Qabtay Galmudug