Home Wararka Maanta Bajaajlayda Muqdisho oo Sharci adag lagu soo Rogay oo Beri ka...

Bajaajlayda Muqdisho oo Sharci adag lagu soo Rogay oo Beri ka Bilaabanaaya Muqdisho

0

Gudooomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcale (Madaale) ayaa sheegay in laga bilaabo beri oo Isniin ah oo dhaqan galayo go’aankii golaha wasiirada ee ahaa in Mootooyinka bajaajka loo qeybiyey A iyo B.

Madaale oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Laga bilaabo maalinta bari ah laamaha amniga u fasaxan yihiin iney marsiyaan sharciga Mooto Bajaajkii u hogaansami wayso awaamiirtii lasoo saaray.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in bajaajtu ay shaqo abuur fiican u noqotay kumanaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka biila qoysaskooda kuna maareeya nolol maalmeedkooda.

“Dowlad sideedaba waxay masuuliyadi ka saaran tahay ilaalinta nidaamka iyo kala dambeynta, fududeynta isku socodka iyo wax kasta oo bulshada dan u ah” ayuu yiri Madaale.

Waxaa uu sheegay in gobolka Banaadir isagoo ka duulaaya go’aankii ka soo baxay golaha Wasiirada uu beri oo Isniin ah bilaabayo midabeynta mootooyinka bajaajka si loogu qeybiyo A iyo B si loo yareeyo ciriiriga ka jira isku socodka magaalada.

“Niman daneystayaal ah oo shisheeya u shaqeeya ayaa isku dayaya iney ka hor yimaadaan amarkan iyagoo ku andacoonaya in noloshooda la geliyey ciriiri, Caano diid maqaarka ayuu meel duleesha ka dayaa, marka Caano diid warkiisa kuma jirno” ayuu yiri Madaale.

Bajaajleyda Muqdisho ayaa horey uga soo horjeestay amarka dowlada iyagoo sheegay inuu saameyn adag ku yeelanayo noloshooda iyo mida qoysaskooda maadaama bishii mooto walba loo ogol yahay iney shaqeyso 15 maalmood.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Madaxweynihii hore ee Suudaan Al-Bashiir oo xabsiga laga sii daayey
Next article10 Ruux oo hal qoys kawada tirsan oo lagu toogtay Koonfur Africa