Home Wararka Maanta Meydadka dad uu wadaad ku wacdiyay in ay gaajo u dhintaan si...

Meydadka dad uu wadaad ku wacdiyay in ay gaajo u dhintaan si ay ilaah ula kulmaan oo lasoo saaray

0

Booliska Kenya ayaa meel u dhow magaalo xeebeedka Malindi kasoo saaray 21 meydad ah, xilli ay baarayeen wadaad dad aaminsanaa ku wacdiyay in ay gaajo u dhintaan si ay ula kulmaan ilaahooda.

Carruur ayaa kamid ahaa dadka dhintay ee lasoo saaray, waxaana booliisku ay sheegeen inay filayaan inay helaan meydad kale.

Wadaadka oo lagu magacaabo Paul Mackenzie Nthenge ayaa haatan ku jira xabsiga, isagoo sugaya in la soo taago maxkamad.

Telefishinka dowladda ee KBC ayaa ku tilmaamay inuu yahay “hogaamiye kooxeed”, waxayna sheegeen in illaa iyo hadda la aqoonsaday 58 xabaalo ama qabuuro ah.

Mr Mackenzie waa uu dafiray in uu khalad sameeyay, iyadooloo diiday in damiin lagu sii daayo.

Waxa uu ku adkaysanayaa in uu kaniisaddiisa xiray sanadkii 2019-ka.

Waxa la sheegay in uu ku wacdiyay kuwa raacsan inay gaajoodaan una dhintaan si ay Ciise ula kulmaan.

Wargeyska The Standard ee Kenya ka soo baxa ayaa sheegay in dhakhaatiirta cilmu-nafsiga ay qaadi doonaan tijaabada DNA-da ayna sameyn doonaan baaritaanno lagu ogaanayo in dhibbanayaashu ay u dhinteen gaajo iyo in kale.

Booliiska ayaa xiray Mr Mackenzie 15-kii Abriil ka dib markii ay heleen meydadka afar qof oo looga shakisan yahay in ay gaajo u dhinteen.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleAlShabaab oo shaacisay magaca ismiidaamiyihii fuliyay weerarkii lagu dilay Taliyihii Danab ee Xasan Tuure
Next articleCulimada Muqdisho oo war ka soo saartay dadkii uu xalay uleeyey Gudoomiye Madaale