Dagaalo goosgoos ah, ayaa ka socda caasimadda dalka Suudaan ee magaalada Khartoum.
Ciidamada gurmadka degdegga ah ee RSF, ayaa waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay u hogaan samaan xabbad-joojinta saddex maalmood ah, oo ay ciidamadu la galaan, si ay looggu dabaal dago Ciidda Muslimiinta.
Qaramada Midoobay iyo dalal dhowr ah, ayaa isku dayaya inay ku qanciyaan labada dhinac ee ku dagaalamaya dalka Sudan inay ku heshiiyaan xabbad joojin.
RSF ayaa waxay sheegtay in lagu qasbay ciidamadooda inay “difaac galaan ” si ay isaga celiso waxay ku tilmaantay isku day afgambi – balse ay u hoggaansami doonto xabbad joojinta.
Taliyaha ciidamada Gen Abdel Fattah al-Burhaan, ayaan wax xabad joojin ah kusoo hadal qaadin hadal horey loo duubay, oo lasoo dhigay barta Facebook ee ciidamada.