Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ergay u magaacabay Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ergay u magaacabay Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xeer madaxweyne ugu magacaabay Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha oo lagu baahiyay Villa Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynaha uu magacaabista ergeygan u maray qoddobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in ergeyga cusub ay aqoon iyo khibrad wanaagsan u leedahay ilaalinta arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga, isaga oo adkeeyey sida ay uga go’an tahay dowladda xaqiijinta arriimaha mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ergeyga cusub ee arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga dardar-gelinta dhammaan howlaha muhiimka u ah ka jawaabidda baahiyaha carruurta Soomaaliyeed iyo xuquuqda soo-galootiga.

Shaqada ergeyga cusub ayuu kula dardaarmay inuu ku saleeyo qorsheyaasha Qaran ee ku saleysan ilaalinta carruurta iyo xuquuqdooda aas-aasiga ah, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ee lagu baahiyay Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa horraantii bishaan magacaabay ergeyga arrimaha Somaliland iyo ergayga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan xasillinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka ee goobaha dagaallada, kuwaasi oo uu kala magacaabay Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Maxamed Cabdi Waare.

Marwo Maryan Yaasiin Xaaji ayaa noqoneysa ergeygii saddexaad ee isla bishaan April uu magacaabo madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wax ka yar sanad magacaabay 5 Ergo, kuwaasi oo markii ugu horeysay ay ka soo dhex muuqdeen madaxweynayaal soo maray dowlad-goboleedyada qaar iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka qaarkood.

Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug

Caalamka:- Dowlada Sacudiga oo 14 Dal African ah ka joojisay Visa Cumrada

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo

Donald Trump oo Shaaciyay Hadalo Hanjabaad ah oo ku socda Iiraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad
Previous articleCiidamada Dowlada iyo Alshabaab oo Daagaal lagu Riiqmay uu ku dhexmaray Galmudug
Next articleWasiir Fiqi iyo Wafdi uu Hogaaminaayo Oo Gaaray Degmada Baxda(Sawiro)