Home Wararka Maanta Beesha Caalamka oo Dalab Dhabar jab ku ah Soomaaliland Soo Saartay

Beesha Caalamka oo Dalab Dhabar jab ku ah Soomaaliland Soo Saartay

0

Saxiibada Caalamka ee Soomaaliya oo ka kooban Belgium, Canada, Denmark, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Türkiye, UK iyo Mareykanka ayaa wada-hadal Khadka taleefonka kula yeeshay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Bayaan kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay inay madaxweyne Muuse Biixi kala hadleen dagaalka magaalada Laascaanood iyo sameynta xooggan ee uu ku leeyahay shacabka, sidoo kalena ay lasoo qaadeen walaaca ay ka qabaan doorashooyinka dib u dhacay ee Somaliland.

“Saaxiibada waxay xuseen in xaaladdan walaaca leh ay si dhab ah u saameyneyso wada-hadallada ku saabsan la-macaamilkooda Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Saaxiibada ayaa walaac xooggan ka muujiyay rabshadaha iyo iska hor-imaadyada sii socda ee Laascaanood, kuwaas oo hadda ku jira todobaadkii tobanaad. Saxiibada ayaa rajo ka muujiyay in amniga iyo badqabka shacabka ay u dub dhexaad u noqon doonaan dhammaan go’aannada siyaasadeed, waxayna carrabka ku adkeeyeen in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda, ciidamadana loo kala qaado goobo lagu heshiiyey.”

Bayaanka ayaa intaas ku daray in saaxiibada caalamka ay ku celiyeen muhiimadda xaqiijinta marinada gargaarka bani’aadannimo iyo gaarsiinta caawimaadda ee kuwa u baahan.

Waxay sheegeen in farriin taas la mid ah ay la wadaageen dhinacyada kale ee ku lugta leh dagaalka ee aan aheyn Somaliland.

“Dhinacyada ugu waa weyn ee dirirtu ay ka dhaxeyso ayaa marar badan si shaacsan u ballan qaaday xabbad-joojin iyo wada-hadal, balse weli ma aysan fulin ballan-qaadyadaas. Saaxiibada waxay ku baaqeen dabacsanaan iyo muujinta tanaasul si loo oggolaado saaxad wadahadal,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxay saxiibada caalamku sheegeen inay gacan ka gaysanayaan helidda marinno ku wajahan nabad la joogteyn karo, oo ay ku jirto inay gacan ka gaysanayaan fududeynta wada-hadallada.

“Saaxiibada waxay soo dhoweynayaan dadaallada iyo hindisayaasha ay wadaan jilayaasha gudaha iyo kuwa gobolka ee lagu xaqiijinayo xabbad-joojin laguna fududeynayo wada-hadallo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhinaca kale, saaxiibada caalamka ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi kala hadleen muhiimadda horumar deg deg ah oo laga sameeyo doorasooyinka Somaliland.

“Waxaanu ku casuunay Madaxweynuha inuu daabaco khariidad doorasho, oo uu caddeeyo nidaamka iyo wakhtiga doorashadu dhacayso, si loo ogolaado diyaargarow farsamo. Tallaabooyin la taaban karo ayaa loo baahan yahay si loo xaqiijiyo in doorashadu u dhacdo sida ugu dhakhsaha badan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Saaxiibada caalamka ayaa sheegay inay uga mahad-celiyeen madaxweyne Muuse Biixi ballan-qaadyada ku aadan inuu diyaar u yahay inuu raadiyo nabadda iyo wada-hadalka.

“Waxa kale oo aanu xusnay ballanqaadka madaxweynaha ee ah in la oggolaado gargaar bani’aadannimo oo aan la xanibin la gaarsiiyo Laascaanood. Waxaan rajeyneynaa in dhammaan ballan-qaadyadaas la dhaqan-geliyo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Saaxiibada caalamka ayaa sheegay inay ka niyad-jabsan yihiin in madaxweyne Muuse Biixi aanu ballan-qaadin in lasoo saaro ciidamada Somaliland ee fadhiggoodu yahay hareeraha Laascaanood.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleCiidamada Xoogga dalka oo Al-shabaab kala wareegay degaano cusub iyo Wajiga labaad ee Dagaalka oo Dardar kusocda(Sawirro)
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaalka Sudan iyo Khasaaro Ba,an oo Ka Dhashay