Home Wararka Maanta Maxaa Ka Jira In Inta Badan Xarumihii Dowlada Laga Saaray Milateriga Dalka...

Maxaa Ka Jira In Inta Badan Xarumihii Dowlada Laga Saaray Milateriga Dalka Suudaan?

0

Milatariga dalka Sudan ayaa war ay goordhaw soo saareen ku shaaciyay in wali gacanta ku hayaan xarumaha muhiimka ah ee kuyaalla magaalada Khartuum ay ku jiraan garoomada diyaaradaha iyo goobo kale.

Warka kasoo baxay milatariga ayaa lagu sheegay in ay iska caabinayaan isku dayo ay sheegeen in kooxo cadaw ah ku doonayaan in ay kula wareegaan xarumo dowladeed iyo goobo istaraatiiji ah oo kuyaalla magaalada Khartuum.

Milatariga Sudan ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan howlgalo ay wadaan ciidamada cirka oo lagu beegsanayo ciidamada RSF-ta loo yaqaan ee dagaalka kula jira milatariga talada Sudan xoogga kula wareegay.

Warkan kasoo baxay milatariga Sudan ayaa imaanaya xilli magaalada Khartuum uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga iyo ciidamada gurmadka deg dega ee RSF .

Ciidamada la dagaalamaya milatariga Sudan oo ah kuwa aad u tababaran ayaa sheegay in ay la wareegeen goor sii horeesay madaxtooyada Sudan, garoonka diyaaradhaa Khartuum, guriga taliyaha milatariga iyo goobo kale oo muhiim ah.

Ad
Previous articleDiyaaradaha Dagaalka Sudan oo Duqeymo culus ku garaacaya saldhigyada RSF
Next articleYaa ku gacan sarreeya dagaalka ka socda Khartuum? Maxaase laisku hayaa?