Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Dowlada oo Qarka Usaaran inay la wareegaan Degmada Dalxiiska Galmudug

Ciidamada Dowlada oo Qarka Usaaran inay la wareegaan Degmada Dalxiiska Galmudug

0

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ayaa kaabiga ku haya deegaan dalxiiseedka Budbud ee kuyaalla gobolka Galgaduud, halkaas oo sannadihii lasoo dhaafay Al Shabaab maamulayeen.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada huwanta ah ayaa dhowr jiho ka weeraray deegaanka Budbud, waxa ayna ciidamada caawa ku hoyanayaan duleedka deegaankaasi oo lasoo tabinayo in kooxda Al Shabaab isaga baxeen.

Saraakiisha ciidankan hoggaamineysa ayaa sheegay in Al Shabaab isaga carareen deegaanka , waxa ayna xuseen in saacadaha soo aadan si buuxda ula wareegi doonaan deegaankan dalxiiska ku wacan iyo deegaanno kale oo ku dhaw dhaw.

Ciidamada huwanta ah ayaana maanta la wareegay tuulooyin hoosataga deegaanka Budbud iyo kuwa kale oo hoostaga Galcad, waxa ayna ciidamada bur buriyeen fariisimo dhowr ah ay Al Shabaab lahayaeen.

Howlgalkan cusub ay bilaabeen ciidamada huwanta ah ayaa ujeedkiisu yahay in lagu xureeyo degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaannada hoostaga oo gacanta ugu jira kooxda Al Shabaab.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Gaaray Adisababa iyo Ujeedka Safarkiisa oo la Shaaciyay(Sawiro)
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay Ra’isul Wasaaraha Talyaaniga Maxay Kawada Hadleen? (Sawirro)