Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta socod uu ku maray qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, si uu ugu kuur galo xaalada ammaan iyo mida nadaafadeed ee ka jirta.
Duqa Muqdisho ayaa intii uu socodka ku jiray la kulmay qaar ka mid ah odayaasha iyo bulshada qeybo kamid ah oo ku dhaqan goobaha uu tagay, waxa uuna kaga dhageystay xaaladda xaafadaha ka jira ,isagoona ka dhageestay talooyin muhiim ah.
Yuusuf Madaale ayaa la wadaagay bulshadii uu la kulmay in Maamulka gobolka Banaadir u-diyaar garoobayo olole ku aadan dhinaca nadaafada iyo bilicda caasimada, maadaama la guda galay xilli roobaad.
Guddoomiyaha bulshada uu la kulmay kula dardaarmay in lagu garab siiyo maamulada degmooyinka bilicda iyo nadaafada Caasimada, isla markaana wada-shaqeyn dhaw lala yeesho maamulada iyo laamaha amaanka si loogu hortago kuwa maleegaya falalka ammaan daro.