Home Wararka Maanta Qaraxyo caawa ka Dhacay Muqdisho iyo Booliska oo Warka soo saaray

Qaraxyo caawa ka Dhacay Muqdisho iyo Booliska oo Warka soo saaray

0

Af-furkii kadib, dhowr jug ama qarax ayaa caawa laga maqlay dhowr degmo oo ka tirsan magaalada Muqdisho, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan nooca ay yihiin waxa dhacay.

Meelaha qaar waxaa laga soo sheegayaa in waxa dhacay ay hoobiyeyaal yihiin, inkastoo aan weli la helin xaqiiqo rasmi ah oo ku saabsan waxa dhacay oo aad u dhawaq weynaa dhowr degmana ka dhacay, intii u dhaxeysay af-furka iyo cishaha.

Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir oo qoraal kooban ka soo saaray waxa dhacay ayaa baahiyey inay dheemish ahaayeen qaraxyadii la maqlay.

Sidoo kale qoraalka booliska waxaa lagu sheegay in meelaha qaar laga hor tegay waxyaabihii la dhigay oo sida uu boolisku shaaciyey shacabka caasimadda lagu qalqal gelinayo.

“Waxaan ku war-galineynaa shacabka ku nool caasimadda, in wax khasaare ah aysan geysan dhawaqa la maqlay oo ahaa ‘qaraxyo dheemish ah’ oo cadowga ummda Soomaaliyeed uu ku qalqal-galinayo shacabka muslimiinta ah oo ku jira waqtigii af-furka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliska gobolka.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Goobaha qaar waxaa laga hor tegay waxyaabihii ay dhigeen iyagoo aan qarxin.”

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahaan ka nabad gashay weerarradii is dabajooga ahaa ee kooxda Al-Shabaab ay ka geysa jirtay, gaar ahaan qaraxyadii.

Waxaa xusid mudan in bisha Ramadaan oo kooxdaan ay aad weerarro uga geysa jirtay Muqdisho ay hadda mareyso kala bar, waxaana aad loo adkeeyey ammaanka qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDhakhaatiir kufsi iyo dil u geystay bukaan oo xukun lagu riday
Next articleMercy Aigbe oo caan.ka ahayd kana tirsaneyd Nollywoodka oo qaadatay Diinta Islaamka