Home Wararka Somaliya Somaliland Soomaliland oo Jawaab adag Siiday Maraykanka oo ku Baaqay in Dagaalka Laasacaanood...

Soomaliland oo Jawaab adag Siiday Maraykanka oo ku Baaqay in Dagaalka Laasacaanood joojiso soomaliland

0

Somaliland ayaa soo saartay bayaan ay beesha caalamka kula wadaagayso walaac ku saabsan colaadda ka taagan magaalada Laascaanood oo ka dhalatay dil loo geystay mid ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland bishii December.

Somaliland ayaa sheegtay in ciidamo shisheeye ay soo galeen Laascaanood, xilli ay magaaladaas joogeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Somaliland oo ka jawaabayey tabashooyin ka yimid xubno ka mid ah bulshada deegaanka.

“Dadaal niyad sami leh oo lagu xakameynayo rabshadaha iyo soo celinta xasiloonida, dawladda Somaliland waxay dib ula soo noqotay ciidamadeeda ammaanka Laascaanood, waxay ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah, waxayna ku dhiirigelisay dhammaan dhinacyada kale inay ku soo biiraan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Maraykanka, Midowga Afrika iyo beesha caalamka inay si wadajir ah ugala shaqeeyaan dadka reer Somaliland soo celinta amniga magaalada Laascaanood, isla markaana ay taageeraan sidii xal waara loogu heli lahaa oo ay ku jirto in la aqoonsado qarannimada Somaliland.

“Caqabadahaas oo ay doonaanba ha ahaadeene, waxa naga go’an in aan hirgelinno doorashooyin dimuqraadi ah, oo ah xuquuq ay dawladdu ilaalisay iyo hannaan tusaale u ah deegaanka.”

Ugu dambeyntii bayaanka Somaliland waxaa lagu yiri “Sida sharcigu dhigayo, komishanka doorashooyinka qaranka waxa loo igmaday inay qabanqaabiyaan doorashooyinka dalkeena. Haddaba, komishanka doorashooyinka qaranka ayay masuuliyadi ka saaran tahay inay soo diyaariyaan qorshaha doorashooyinka.”
Ad
Previous articleXaasaska Madaxweyne Xasan oo loogu magac daray 4Gabdho mataano ah oo ku dhashay Muqdisho (Sawirro)
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo Dhawaan Galmudug ku wajahan