Home Wararka Maanta Ugu yaraan 20 qof oo cumro u tagay Sacuudiga oo ku dhintay...

Ugu yaraan 20 qof oo cumro u tagay Sacuudiga oo ku dhintay shil

0

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyootay 29 kalena waa ay ku dhaawacmeen shil bas oo ka dhacay dalka Sacuudiga, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Baska oo siday dad u joogay cumro Magaalada Barakaysan ee Makka, ayaa waxa uu ku dhacay Buundada Gobolka Aasir ee Koonfur-galbeed, ka dibna waxaa qabsaday dab.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay gaariga oo holcaya. Maamulka ayaa wali baaraya sababta. Al Carabiya oo Sacuudiga laga leeyahay ayaa sheegtay in dadka geeriyooday ay u kala dhasheen dalal kala duwan balse ay ku jiraan dhowr qof oo Sacuudiga u dhashay.

Waxa la sheegay in ay qorshaynayeen in ay soo gutaan Cumrada. Shilkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay billaabatay bisha barakaysan ee Ramadaan oo ah xilli aad u mashquul badan oo ay aad u badan yihiin dadka Cumrada u taga halkaas.

Sanadkii 2019-kii, 35 ayaa dhimatay kadib markii uu bas ku dhacay gaari kale xilli ay ka soo ambabaxeen magaalada Madiina kuna sii jeedeen magaalada Maka si ay Cumrada u soo gutaan.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDab xooggan oo ka kacay xarun muhaajiriin lagu hayo iyo Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay
Next articleBarlamaanka Midowga Yurub oo Haa ugu Codeeyay Heshiiska Cusub ee Magangalyodoonka