Home Wararka Maanta Ma dhabaa in Muqdisho ay ka jiraan haween jirkooda ka ganacsada?

Ma dhabaa in Muqdisho ay ka jiraan haween jirkooda ka ganacsada?

0

Laba dumar ah oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lana hadlayay BBC-da ayaa ka warramay waxa ku kalifay in ay jirkooda ka ganacsadaan. Waxaan badelnay magacayadooda si aan loo aqoonsan.

Xeebta Liido ee magaalada oo ah meel mashquul badan oo soo jiidasho leh ayaa ah astaan muujineysa bilicda magaaladan ka soo kabaneysa dagaalka.

Xeebta dhinaceeda waxaa ku yaalla dukaamo, hoteello iyo maqaaxiyo laga helo cunto markaa la diyaariyay. Laakin goobtaan waxaa dhinaca ku haya meelo ay ka socdaan waxaas wax ka duwan oo ah xaflado, isticmaalka daroogada iyo rabshado dhanka galmada ah .

Haweenka ku jira dhinacan qarsoon ee magaalada ayaa ah dhallinyaro, sabool ah oo inta badan u nugul dhibaatooyinka.

Fardowsa, oo 22 jir ah, waxay jirkeeda ka ganacsaneysay saddex sano, waxay ku nooashay qol mugdi ah oo ay ku xiranyihiin daahyo guduudan oo ku yaalla dhismo raad rasaaseed uu ka muuqda oo ku yaalla degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Fardowsa ayaa sheegtay in guriga qoyskeeda ay ka tagtay markii ay jirtay19-sano, waana dhacdo naadir ah marka la eego bulshada Soomaaliyeed dhexdooda sababtoo ah haweenka da’da yar guud ahaan kama tagaan qoyska ka hor inta aan la guursan. Si kastaba ha ahaatee, xadgudubka guriga ama khilaafaadka aan laga heshiin karin ee xubnaha kale ee qoyska ayaa qaar ka riixi kara in ay ka cararaan guriga arrintaas oo u muuqata mid sii kordheysa.

“Markii hore uma aan arkeynin inaa ka tago, laakiin uma adkeysan karin inaan la sii noolaado eeddadey,” ayay tiri Fardowsa.

“Waxay noqotay xaaska labaad ee aabahay ka dib markii ay hooyaday geeriyootay anigoo yar, waxay ahayd mid aad u xun sannadihii la soo dhaafay, inkastoo ay taasi jirto, aabbahay mar walba wuu garab taagnaa.”

Markii ay guriga ka soo tagtay, Fardowsa waxa samaysatay saaxiibo cusub, kuwaas oo ay u malaynaysay in ay ilaalinayaan intii ay howshaan kala soo qabsaneysay: “Waxaan u malaynayay inay i danaynayaan. Haddaan dib u milicsado, waxaan ogaaday inaanay ahayn saaxiibo dhab ah,” ayay tiri.

Ugu dambeyntii waxay la qabatimtay dawooyinka maanka-dooriya, waxayna ku biirtay goobo lagu qabto xaflad kuna yaalla xeebta Liido, halkaas oo ay ka bilowday shaqada ah in ay jirkeeda ka ganacsato.

Fardowsa waxa ay markiiba isku aragtay in ay dhex maquuratay duni mugdiga ah oo ka soo bilaabatay hoteello isla markaana gaartay meelaha ay degganyihiin dadka ajaanibta ah iyo goobo kale oo gaar ah.

Laakiin hadda waxay garanaysaa macaamiil ku filan oo ay ku kalsoonaan karto waxayna ku tiirsantahay dad telefoonka kula soo xiriira.

“Waxaan sugayaa inta uu teleefankaygu soo dhacayo, kadibna ragg ayaan la baxaa si aan galmo u sameyno, marar kalena dumarka saaxiibadayda ahi way isoo wacaan marka ay rag diyaar ah arkaan.”

‘Waxaan u baahday lacagta daroogada’

Waxay la macaamishaa dad kala duwan oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada.

“Raggani markii hore waxaan ahayen asxaab waxayna saaxiibbo la ahaayen gabdho aan saaxiibbo nahay kadibana howshii waxay isku badeshay in aan sameyno galmood, waana u nuglaa arrintaa sababtoo ah lacag aan ku iibsado daroogada ayaan u baahnaa , si la mid ah gabdhaha kale ee magaaladan. ” ayay tiri Fardowsa.

Dabeecaddeeda awgeed, ma jirto xog rasmi ah oo ku saabsan baaxadda shaqada galmada laakiin marag-furka Fardowsa iyo kuwa kale ayaa muujinaya jawiga khatarta ah ee qaar badan oo ka mid ah haweenkan da’da yar ay wajahaan.

Hodan muddo laba sano iyo bar ah ayay ka ganacsaneysay jirkeed si la mid ah Fardowsa, 23-jirkan ayaa ka carartay guriga qoyskeeda, waxaana ay isku aragtay in ay ku dhex milantay nolasha adag ee ay Muqdisho ku wajahayaan haween badan oo dhallinyaro ah oo aan la nooleyn qoyskooda isla markaana aan haysan taageero dhaqaale.

“Habeenkii inta badan waxaan ku hoydaa hoteellada. Si la mid ah gabdho badan oo da’da yar ah. Waxaad halkaas kula kulmaysaa dhammaan noocyada ragga , laakiin arrimuhu way sii xumaan karaan markaad dhab ahaantii la baxdo qaar ka mid ah raggaas,” Hodan ayaa sidaas tiri.

Maadaama shaqada galmoodka ninka iyo haweenayda aan is qabin ay sharci darro ka tahay Soomaaliya, qaar badan oo ka mid ah haweenkan da’da yar waxay la kulmaan xaalado halis ah.

BBC-da ayaa isku da’day in ay la xiriirto mas’uuliyiin ka tirsan booliiska iyo wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka si ay arrintaan wax uga dhahaan hase-yeeshee wax jawaab ah kamaanna helin.

“Marar badan ayay gabdhuhu soo noqdaan iyagoo jirka nabarro ku leh,” ayay tiri Hodan.

Fardowsa ayaa arrintaa rabshad kala kulantay

“Markii hore waxaan u raaci jiray ragga meelaha ay rabaan inay i gaystaan, laakiin habeen habeenada ka mid ah ayaa la i garaacay oo wejiga nabaro ayaa iga soo gaaray, waxaana iga yimid dhiig, sababtoo ah waxaan ku heshiin weynay qiimaha,” ayay tiri. Ayay tiri.

“Tan iyo markaas, anigu ma u raaco ragga meelo cidla ah, si kasta oo ay wax u bixinayaan, waa arrin aad khatar u ah, waxaan doorbidayaa hoteellada anigoo og inaan waxba la yeeli doonin, haddii ay dhacdana, markaas oohintayda. Caawimaad dalbashada waa la maqli doonaa,”.

“Haween badan oo kale oo ku lug leh arrimahaan ayaa u raaca ragga guryahooda iyo meelaha qarsoon waa la kufsadaa, mararka qaarkoodna waxaa ka badan hal nin ayaa kufsada.” Waxay sidoo kale sheegtay in mararka qaarkood muuqaallo laga duubo oo lagu dhibaateeyo.

Hodan waxa ay sheegtay in muuqaal laga duubi karo haweenka ka ganacsada jirkooda, iyadoo arrintaa ay ku qasbaan ragga la galmoonaya.

“Haddii ay diidaan, markaas waa la garaacaa oo jirdil ayaa raggu u gaystaan iyadoo mararka qaarkood, xitaa muuqaallada ay la wadaagaan bulshada si ay u dhibaateeyaan gabdhaha yaryar.”

Warbixin dhawaan uu soo saaray Telefishinka Channel 4 ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa baahiyay dhibaatooyinka ay la kulmaan haweenka muuqaallada galmada ah laga duubay kuwaas oo ay la kulmaan dumarka Soomaaliyeed guud ahaan.

“Waxay ku dhacday dumar aad u da’yar oo aan garanayo. Badankoodu aad bay uga xishoodaan inay qirtaan, laakiin dhammaanteen waan ognahay waxa ku xeeran,” ayay tiri Hodan.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu ogaadey in ay jirto sare u kac weyn oo dhanka tacaddiyada galmada ah laga soo bilaabo 2019 ilaa 2020, iyadoo sheegtay in xadgudubyada noocaan ah ay sii hurinayaan colaadaha. Waxa ay sidoo kale xustay in “tabar-darida sharciga lagu qadao dambiilayaasha uu horseeday inay si xor ah u noolaadaan,”.

Soomaaliya waxaa ka jira dhowr urur oo haween balse markii ay BBC-du la xiriirtay way ka gaabsadeen in ay arrintaan ka hadlaan.

Hodan iyo Fardowsa waxa ay ku nuuxnuuxsadeen in haween badan aayney ku dhiirradeen shaqada khatarta ah haddii la heli lahaa habab lagu taageerayo haweenka xaaladaha adag la kulma kuwaas oo keenya in dumar badan ayku noolyihiin qaab nololeed rabshad iyo dhiig-miirasho ah .

“Haween badan oo yaryar ayaa la halgamaya balwadda taasoo ka dhigta inay aad u nuglaadaan. Qaar badan oo ka mid ah xitaa ma haystaan meel ay seexdaan habeenkii,” ayay tiri Fardousa.

“Waxay seexdaan waddooyinka ku teedsan agagaarka Xeebta Liido iyo xaafadaha kale ee magaalada, halka qaar kalena ay rag u raacaan meel ay seexdaan, ka dibna ay noqdaan kuwo si xad dhaaf ah looga faa’iidaysto.

XIGASHO  BBC

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDowlada Imaaraadka oo Gaadiid badan oo Alshabaab lagula dagalamaayo ku wareejiyay Jubbaland (Sawirro)
Next articleSenatar Ike Ekweremadu iyo Xaaskiisa oo lagu helay ka ganacsiga xubnaha jirka Bani’aadanka