Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa gaadiid badan oo nuuca dagaalka ah gaar ahaan kuwa loo yaqaan Cabdi Bilaha iyo hub ku wareejisay dowladda goboleedka Jubbaland, waxaana gaadiidkan laga dejiyay magaalada Kismaayo.
Imaaraadka Carabta ayaana gaadiidkan ku wareejiyay masuuliyiin iyo saraakiil katirsan dowladda Jubbaland, waxa ayna Imaaraadka Carabta ugu tala galeen gaadiidkan in loo adeegsado howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.
”Dowlada Jubaland ayaa Dowlada aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta ka gudoontay gaadiid dagaal iyo agab Ciidan oo kala duwan, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona dagaalka dib u xoraynta ah ee ay Ciidamada geesiyada ah ee Jubaland iyo xooga dalka ka wadaan deegaanada kala duwan ee Jubaland” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland.
Gaadiidkan dagaal ee lagu wareejiyay maamulka Jubbaland ayaa kusoo aadaya xilli la filayo in deegaannada maamulkaasi ka bilowdo howlgalo balaaran oo lagu doonayo in Al Shabaab looga saaro guud ahaan gobolada Jubbooyinka.
Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac
Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda
Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha