Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah oo ay saaka Al-Shabaab ku qaaday xero ciidan oo ku taalla deegaanka Daaru-nicmo oo hoostaga degmada Run-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu ekeeyay xero ay ku sugnaayeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ku taalla halkaasi.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa noo u sheegay in ciidamada ammaanka ee ku sugnaa saldhigga la weeraray ay rasaas ay fureen kadib qaraxyada, waxayna kadib iska hor imaad kooban la galeen ragga weerarka soo qaaday oo mar dambe goobta ka baxsaday.
Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka xigay, maadaama weli weerarka uu socdo.
Deegaanka la weeraray ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa qaar kamid ah ciidamadii lagu soo tababaray dalka Eritrea, kuwaas oo maalin kahor gadood uga soo baxay Daaru-nicmo, inkastoo mar dambe ciidamadaas oo ka cabanayey daryeel la’aan lagu qanciyay inay dib ugu laabtaan saldhiggooda, kadib wadahadal ay la yeesheen saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed kula yeesheen magaallo xeebeedka Cadale.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo madaxda sare ee maamulka HirShabelle oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa agagaarka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Muddooyinkii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada dowladda ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo inta badan dhaca hal xilli oo ah aroortii hore ee subax.
Todobaadkian ayey aheyd markii weerar kan lamid ah ee ay Al-Shabaab ku qaaday xero ku taalla duleedka degmada Baardheere, kaas oo dhaliyay khasaare leh dhimasho & dhaawac.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay