Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay abaalmarin caalami ah oo ay bixiso hay’adda Central Banking, sida lagu shaaciyay war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka bangiga dhexe.
Hanaanka lacag bixinta Qaran waxaa si buuxda loo hirgeliyay sanadkii 2022-kii.
Abaalmarinta ayaa waxa uu Bangiga Dhexe ku tilmaamay aqoonsi weyn oo ka tarjumaya dadaalka iyo howl-karnimada ay muujiyeen hawl-wadeenada iyo maamulka, oo horumar la taaban karo ka gaaray dib-u-dhiska hanaanka maaliyadeed ee dalka.
“Waa guul weyn oo usoo hooyatay dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo dhan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka uu soo saaray Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ka mahad-celiyay guddida abaalmarinta hay’adda Central Banking, ee u gartay abaalmarinta kadib markii ay qiimeyn la xiriirta hal-abuurka kaabayaasha lacag-bixinta ku sameeyeen Bangiyada Dhexe ee caalamk.a
“Abaalmarintan caalamiga ah waxay caddayn u tahay horumarka uu Bankiga Dhexe ka sameeyay dib-u-dhiska kaabayaasha maaliyadda ee dalka. Waxaan rajeynaynaa in guushani ay kor u qaadi doonto kalsoonida bangiyada addduunka ay ku qabaan hannaanka maaliyadda Soomaaliya,” ayuu yiri.
War-saxaafadeedka ayaa ugu dambeyntiina waxaa lagu sheegay in Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xasillonida hanaanka maaliyadda iyo koboca dhaqaalaha dalka