Home Wararka Maanta Wasiir Maxamed Barre Maxamuud oo ka farxiyey gabar Murugo heysato oo baraha...

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud oo ka farxiyey gabar Murugo heysato oo baraha bulshada lagu baahiyey (Sawirro)

0

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Somalia Mudane Xil. Maxamed Barre Maxamuud oo dalka dibaddiisa safar shaqo ugu maqan ayaa ka jawaabay  baaqa Iglan Cabdullaahi Maxamed oo ah gabar Soomaaliyeed oo shaqo doona ah taasoo sheekadeeda iyo midda qowskeeda dareen taabadka lahayd lagu faafiyay baraha Bulshada.

Wasiirka ayaa amray waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha in la hawlgeliyo gabadhaas Soomaaliyeed oo lagu qoro boos darajada labaad (B) ee shaqaalaha Ku meel gaarka ah ee gunnada qaata, isagoo wasiirku ballan qaaday in muddo kooban gudaheed  marka ay tababarrada dhamaysato loo dalacsiin doono darajada (A) oo ah heerka ugu sareeya ee shaqaalaha rayidka ah.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa sheegay inuu xil ka saaran yahay guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed  isagoo caddeeyay in awoodda wasaaradda ee wax ka qabashada shaqo la’aanta dhallinyaradu ay koobantahay laakiin kiiska Iglan oo dad badan dareenkooda dhaqaajiyay isla markaana masuul ka ah walaalaheed ka yar yar ay xil gooni ah iska saarayaan.

Iglan Cabdullaahi Maxamed iyo qowskeed ayaa ka mid ah dhibanayaasha  weeraradii argagixiso ee dalka ka dhacay iyadoo ku wayday Waalid iyo walaal.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDhac Baahsan oo loo Gaystay Goobihii Ganacsiga Soomaalida Ee Xaafada Islii
Next articleDowlada Soomaaliya oo Si wayn uga Carootay Kulankii Deni Beesha Caalamka kula Yeeshay Nairobi