Gaari uu watay hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa waxaa haleeshay sunta dadka ka ilmeysiisa iyo tuubooyiinka biyaha tuura, sida uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray la taliyihiisa, isagoo intaa ku daray in “xabad” ay sidoo kale haleeshay gaariga.
Ma cadda halka ay ka dhacday “dhacdadan” , balse Mr Odinga ayaa hogaaminayay kolonyo gaadiid ah oo gaaray qaar ka mid ah xaafadaha Nairobi.
Dibadbaxan ayaa waxaa looga soo horjeedaa dhibaatada dhaqaale oo ah mid ay dareemeen inta badan shacabka Kenyanka.
Waxa uu sidoo kale mudaaharaadyada u adeegsanayey in uu ku xoojiyo sheegashadiisa aan caddayn wadan ee ah William Ruto, uusan doorashada ku guuleysan islamarkana uu isaga yahay qofka ku guuleystay.
Mudaaharaadyadan ayaa hakad galiyay ganacsigii ka socday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya iyo guud ahaan magaalada Kisumu ee galbeedka Kenya ee uu ku xooggan yihii taageerayaasha Mr Odinga.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay