Home Wararka Maanta Somaliland oo toogasho ku xukuntay maxaabiis ay ku qabatay Laascaanood

Somaliland oo toogasho ku xukuntay maxaabiis ay ku qabatay Laascaanood

0

Somaliland ayaa maxkamad saartay tiro maxaabiis ah oo ay ku qabatay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo loo gudbiyay xabsiga Mandheera ee ku yaalla gudaha magaalada Hargeysa.

Ragga kasoo muuqday maxkamadda ayaa gaaraya illaa 9 nin, kuwaas oo lagu soo eedeeyay qodobada 184, 185, 187aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, kuwaas oo dhammaan ka hadlaya in ay Khiyaano-Qaran sameeyen, cadowna ay lasoo safteen.

Sagaalka nin oo haatan loo gudbiyay xabsiga Mandheera ayaa Somaliland waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah, sida ay caddeynayaan dukumintiyo lagu baahiyay Intenet-ka.

Sidoo kale waxa ay Somaliland shaacisay magacyada ragga la xukumay ee lagu qabtay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay aagga xerada Goojacade ee Laascaanood.

Maxkamadda ayaa xukun dilak ah ee ay ridday u cugsatay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, oo ay dhammaan adeegsadaan dawlad gobaleedyada iyo Dawladda faderaalka Soomaaliya, kaas oo xili hore la qoray, isla-markaana illaa haatan lagu dhaqmo.

Tallaabadan ay qaaday Somaliland oo uga sii dareysa xiisadda Laascaanood ayaa kusoo aadeyso, ayada oo shalay waxgaradka SSC ay ku eedeeyaan Somaliland in ay dishay maxaabiis ay ku qabatay dagaalkii ka dhacay aagga duleedka magaalada Laascaanood.

Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug oo ah afhayeenka Guddida 33-ka ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland in si ka baxsan bani’aadanimada ay ula dhaqmeen maxaabiista, kadibna ay si bareer ah u toogteen, sida uu hadalka u dhigay

“Maxaabiistu waa jirta baraha bulshadana waanu lasoo wadaagi doonaa, ragii waxay qabteen oo ay meesha kasoo daynayeen in ay badan koodii laayeena waa la haya” ayuu yiriCaaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug.

Si kastaba, Laascaanood ayaa waxaa bil ka badan ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah.

Xubno ka Tirsan Kooxda Shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa daraawiishta Jubaland ay iska kaashadeen howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab. Howlgalkaan ayaa ka

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,
Ad
Previous articleMadaxweyne Xassan Shiikh oo tababar u soo xiray ciidamo Cusub oo ku Biiraaya Dagaalka Ku Socda Alshabaab (Sawirro)
Next articleDowlada Sacuudiga oo War Kasoo Saartay Xiliga lasoomaayo Bisha Barakaysan ee Ramadaaan ee fooda nagu soo haysa