Home Wararka Maanta Alshabaab oo Warlayaableh Kasoo saaratay Diktoorka Dilaga Ahaa ee Dhawaan Dowladu...

Alshabaab oo Warlayaableh Kasoo saaratay Diktoorka Dilaga Ahaa ee Dhawaan Dowladu Soo Bandhigtay

0

Barnaamijka Gungaar ee ka baxa warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu baahiyay wareysi gaar ah oo laga qaaday nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamad Cabdi Nuur Jiiroow Hagar (Dr Fanax), kaa oo sheegay in uu katirsanaa saraakiisha Al Shabaab.

Ninkan ayaa sheegtay in uu ahaa dhaqtar dalka dibadiisa wax kusoo bartay kana shaqeeyay isbitaalo kuyaalla Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood, waxa uu sidoo kale ninkan ku qaraaban jiray in uu ahaa sargaal ciidan iyo shaqaale dowladeed.

Wareysiga uu bixiyay ninkan ayuu ku sheegay in tababaro badan soo qaatay uuna qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta qaraxyo iyo dilal ka dhacay magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo dalka katiresan.

Dhinaca kale sargaal katirsan Al Shabaab oo la hadlay warbaahinta afka kooxdaasi ku hadasha ayaa beeniyay in kooxdooda amniyaadka uu katirsanaa Dr Fanax, waxa uuna sheegay in diiwaankooda markii ay baareen ka waayeen magaca ninkan.

“Waxaan kuu xaqiijineynaa in shakhsiga lagu magacaabay Maxamad Cabdi Nuur Jiiroow Hagar ee dowladdu soo bandhigtay uusan kamid ahayn, weligiisna kamid noqonin Mujaahidiinta Al-Shabaab. dhammaan xogaha lagu soo bandhigay muuqaalka ay faafiyeen ayaa ahaa mid been abuur ah oo aanan sal iyo raad toona lahayn” ayuu yiri sargaal katirsan Al Shabaab.

Sargaalkan katirsan Al Shabaab ee magaciisa qariyay waxa uu sheegay in aysan is qarin ayna diyaar u yihiin wax walbo oo kusoo gaara dagaalka ay ku jiraan, waxa uuna intaa raaciyay in aysan raali ka aheyn in dad aan iyaga katirsaneyn la qabto lana nabo.

“Anagu haddii aan nahay Al-Shabaab waxaan nafteena iyo maalkeena u huraynaa difaaca Diinta Islaamka, waxaanan anagoo ku faraxsan diyaar u nahay wax walba oo nagu soo gaara wadadaas haddii ay tahay dil, dhaawac iyo inaan gacan cadow ku dhacno intaba, Balse waxa aanan marnaba aqbaleynin ayaa ah in cadawgu dad shacab ah ama kuwo uu dano gaar ah ka leeyahay ku dhibaateeyo magaceena isagoo ku andacoonaya inay ka tirsan yihiin Mujaahidiinta sida ku dhacday Dr Fanax ” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay sargaalka.

Warkan kasoo baxay Al Shabaab ayaa imaanaya xilli wareysiga uu bixiyay Dr Fanax ku qirtay in uu xubin muhiim ah ka ahaa Al Shabaab uuna geestay fal dambiyeedyo badan, waxaana ninkan maxkamadda ciidamada ku riday xukun dil ah.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Qarixii Ismiidaaminta ahaa ee lagu Qaaday iyo Khaasaraha Ka dhashay
Next articleDhaawaca guddoomiyaha gobolka Gedo oo loo qaaday Muqdisho