Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Muqdisho kulan miro dhal ah kula qaatay danjiraha Shiinaha u fadhiya Somaaliya Mudane Fei Shengchao.
Kulankan ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka, horumarinta nabada & amniga gobolka iyo weliba dagaalka Al-Shabaab ee ka socda dalka.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada-hadlay ajandayaasha dowladda ee la-dagaalanka argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay qaadista cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya.
Sidoo kale waxay labada masuul isla meel dhigeen in Soomaaliya iyo Shiinaha ay iska kaashadaan la-dagaalanka argagixisada, ayada oo xukuumadda Beijin ay garab taagan tahay howl-galada ka socda dalka.
Dagaalkan ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda Al-Shabaab laga saaray deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.
Guusha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ah weerarada diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada Soomaaliya, kuwaasi oo badi lagu beegsado xubnaha iyo saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.