Home Wararka Maanta Nin gabdhaha uu shukaansado ‘kabaha ka xadi jiray’ oo si layaab leh...

Nin gabdhaha uu shukaansado ‘kabaha ka xadi jiray’ oo si layaab leh lagu ogaaday

0

Waxaa si weyn baraha bulshada iyo warbaahinta Kenya looga hadal hayaa nin la sheegay in uu kabo u kala xadi jiray gabdho uu la haasaawi jiray.

Ninkan oo lagu soo oogay dacwad ku saabsan in uu geystay falal xatooyo ah ayaa kabo iyo Laptop uu ka xaday saaxibtii siiyay gabadh kale uu shukaansan jiray.

Ryan Lusalishi ayaa lagu eedeeyay intii u dhexeysay 7 iyo 8 November in gabadh la yiraahdo Elizabeth Okumu oo ku sugneyd Nairobi uu ka xaday boorso uu ku jiray Laptop.

Gabadhan oo shaqo ku maqneyd markii ay guriga dib ugu laabatay waxay waysay Laptop-keedii, kabaheedii iyo kaarkii bankiga ee ay lacagta kula bixi jirtay, sida uu ku warramay wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya.

Markii dambe waxaa loo soo diray farriin ku saabsan in uu guul dareystay isku day lacag loogala bixi rabay akoonkeeda bankiga.

Elizabeth Okumu waxaa isla markiiba galay shaki, waxayna arrinta ku wargelisay booliska.

Gabadh kale oo ninkan ay saaxiib ahaayeen ayaa booliska u sheegtay in uu haddiyad ugu keenay kabihii uu gabadhaas kasoo xaday.

Markii dambe waxaa la xiray Lusalishi, waxaana gacanta lagu soo dhigay Laptop-kii iyo kabihii uu xaday.

Lusalishi wuxuu beeniyay eedeymaha loo jeediyay xilli maxkamadda ay goob joog ka ahaayeen labadii gabdhood uu shukaansani jiray.

Waxaana ninkan lagu sii daayay damiin lacageed, dacwadda loo heysto ninkan ayaa dib loo dhageysan doonaa sanadka dambe ka hor bisha 22 bisha May.

Dhacdadii Muqdisho

Sheekadan ninkan waxa ay dad badan soo xasuusineysaa arrin sanadkii lasoo dhaafay hadal heyn aad u weyn ka dhalisay magaalada Muqdisho, taasoo ku saabsaneyd nin lagu eedeeyay in uu gabdhaha u shukaansan jiray si uu telefoonnada uga xado.

Cabdifitaax Cali Cumar, wuxuu bishii July ee sanadkii hore maxkamadda horteeda ka qirtay inuu filim Hindi ah oo uu horay u daawaday ka soo bartay qaabka uu wax u dhici jiray.

Toban sano oo xarig ah ayaa lagu xukumay ninkan ka dib markii lagu helay dambigii loo haystay ee ahaa inuu telefoonno ka dhacay illaa lixdan gabdhood, inkastoo isagu uu 30-ka mid ah qirtay.

Ilaa lixdan gabdhood ayay booliska diiwaan galiyeen in ay dhibbaneyaal u ahaayeen Cabdifataax, balse qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay in uusan dhicin tirada teleefoonnada ee lagu dacweeyay.

Dacwadda ka dhanka ah ninkan ayaa socotay ka dib markii lagu soo xiray xog ay gudbisay mid ka mid ah gabdhihii uu telefoonnada uga qaatay sida layaabka leh.

Muxuu yahay Filimka uu daawaday?

Isagoo ka warbixinaya qaabkii uu wax u dhici jiray ayuu Cabdifataax sheegay in xeeladda uu adeegsan jiray uu ka helay filim Hindi ah oo lagu magacaabo C Kkompany.

Filimkan oo soo baxay sannadkii 2008 ayaa ka mid ahaa filimadii shactirada ee shirkadda Bollywooda.

Jilayaasha filimkan hormuud u ahaa ayaa kala ah Tusshar Kapoor, Anupam Kher, Rajpal Yadav, Raima Sen iyo Mithun Chakraporty.

Saddex ka mid ah atooreyaasha oo kala ah Tusshar Kapoor, Anupam Kher (oo ay Soomalida u taqaanno Aw Baska) iyo majaajiliiste Rajpal, waxay filimkaas ku jilayeen in ay yihiin saaxiibbo lacag doon ah oo culaysyo kala duwan ay haystaan, waxayna iska kaashanayaan sidii ay qaab khiyaano ku dheehan tahay ugu dhici lahaayeen dadka iyo xitaa dowladda.

29-kii bishii August, 2008 ayaa saleemooyinka laga sii daayay, balse wuxuu noqday filim ku guul darraystay box office-ka, dhaqaalihii la filayayna ma uusan soo xaraynin.

Cabdifataax markii uu filimkan sharaxayay wuxuu sheegay magaca saxda ah ee filimka iyo qisada, laakiin wuxuu si khaldan u sheegay jilayaasha.

“Wax qarsoon ma jiraan, waxaan rabaa in aan wax walba caddaynta runta ah ka sheego,” ayuu yidhi.”Rag badan oo shaleemo soo gali jiray ama guryahooda filimo ka fiirsaday way joogaan.

Filimkaasna waa la heli karaa, saddex nin ayaa atooreyaal ka ah. Saddex nin dad hubaysan ma ahan dowladdana waxay ka qaataan baad”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Cabdifitaax wuxuu sheegay in sannadkii 2008 uu ka tagay Muqdisho, oo uu muddo saddex sano ah joogay xeryaha qaxootiga ee Kenya.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Nabadoon Cabdi Aadan Siyaad oo Gaalkacyo lagu Dilay
Next articleFannaanka Costa Titch oo geeriyooday isagoo heesaya.