Home Wararka Maanta Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Shil gaari oo sababay dhimashada laba qof iyo dhaawac ruux kale uu ka dhacay degmada Kaaraan ee gooblka Banaadir.

Wararka la helayo ayaa intaasi kuasi daraya in shilkan uu dhaliyay dhimashada laba qof iyo dhaawaca hal qof, waxaana laga deyrinayaa xaaladda caafimaad ee qofka dhaawaca ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Kaaraan ayaa sheegay in gaariga dadka laayay ay leheyd shirkadda Hormuud wuxuuna siday qalab birro ah oo aad u culus Waxa uuna dulmaray Mooto Bajaaj ay saarnaayeen saddex ruux.

Dadka dhintay ayaa aad u go’go’ay Waxaana adkaatay in dadka iyo mootada laga soo saaro gaariga hoostiisa, sida dad goob joogayaal ah ay ku warameen.

Ciidamadda amaanka oo durba gaaray goobta ayaa gacaanta ku dhigay wadihii gaariga dhibka geystay, kaasoo xabsiga loo taxaabay.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleKheyre oo digniin u diray dowladda Xasan Sheekh
Next articleAlshabaab oo Askar Hub iyo Gaadiid ay Ku Qabsadeen Dagaalkii Janaay Cabdalla soo Badhigay(Sawiro)