Home Wararka Maanta Xasan Sheekh oo Ka Hadlay Qaddiyada reer Falastiin iyo Mowqifka DOwlada Soomaaliya

Xasan Sheekh oo Ka Hadlay Qaddiyada reer Falastiin iyo Mowqifka DOwlada Soomaaliya

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay qaddiyada reer Falastiin.

Xasan Sheekh oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Al-Jazeera ayaa waxa uu markale ku celiyay in mowqifka Soomaaliya ee Falastiin uusan waxba iska bedelin, isaga oo ugu baaqay Israel inay bedesho istiraatijiyaddeeda dhulka Falastiiniyiinta.

“Mowqifkeena markasta waa caddaa, qaddiyada Falastiin kama tanaasuleyno sabab kasta oo imaata. Xaaladda hadda jirta waa mid aan la aqbali karin,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli ay warbaahinta qaarkooda warineysay in Israel ay ka shaqeynayso sidii uu caadi u noqon lahaa xiriirka kala dhaxeeya dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jirtay hadal hayn badan oo ka dhalatay sanadkii hore safar uu madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ku tageen dalka Imaaraadka, kaasi oo la xiriiray in Madaxdii Soomaaliyeed ee u safartay dalkaasi ay safar qarsoodi ah uga sii gudbeen Israel.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xilligaasi beeniyay hadal haynta ka dhalatay arrintaasi, isaga oo sheegay in uusan jirin safar qarsoodi ah oo madaxda Soomaaliyeed ay ku tageen Israel, oo ay Soomaaliya la laheyn xiriir.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu haatan meesha ka saaray shakiga arrintaas laga qabay, isaga oo cadeeyay in qaddiyada reer Falastiin aysan waxba ku badalaneyn, mowqifkoodana uu sidii hore yahay.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous article4 Qof oo Mareykan ah oo la afuubtay iyo labo ka mid ah oo Meydadkooda la helay
Next articleGaalkacyo Garowe iyo Boosaaso oo Saakay Lagu Toogtay 13 ka mid ahaa Alshabaab iyo Daacish