Wasiirada Maaliyadda ee dalalka ugu dhaqaalaha badan caalamka ayaa ku guuldareystay inay ku heshiiyaan xiritaanka shir madaxeedka India, kadib markii Shiinaha uu diiday inuu cambaareeyo duulaanka Ruushka ee Ukraine.
Beijing waxay diiday inay aqbasho qaybo ka mid ah bayaan ka soo baxay G20 oo ka xumaaday gardarrada Ruushka “marka loo eego shuruudaha ugu adag”.
Moscow waxa ay sheegtay in dalalka reer galbeedka ay “ka-soo-horjeeda Ruushka” khalkhal galiyeen G20.
Arrintan ayaa timid ka dib markii Shiinaha uu toddobaadkan daabacay qorshe lagu soo afjarayo colaadda oo dadka qaar ay u arkaan mid Ruushka taageersan.
Ad