Home Wararka Maanta Militeriga Israa’iil oo duqeeyay marinka Qaza

Militeriga Israa’iil oo duqeeyay marinka Qaza

0

Israa’iil ayaa saaka duqeymo ka geysatay marinka Qaza kadib markii gantaallo laga soo tuuray dhulka ay Falastiiniyiinta maamuulaan.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay soo rideen shan ka mid ah gantaallada halka kuw kalena ay ku dhaceen dhul bannaan.

Weerarradan ayaa daba socda howlgal dad badan lagu dilay oo Israa’iil ay ka fulisay dhulka la heysto ee Daanta galbeed Arbacadii.

Kow iyo toban falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Nablus — waxaana dadkaas kamid ahaa dhowr qof oo hubeysneyd.

Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas — ee maamusha Gaza — ayaa sheegtay in aysan innaba u dulqaadan karin weeraradan.

Qaraxyo iyo rasaas ayaa laga maqlayay magaalada Nablus Arbacadii xilli ciidamada Israa’iil ay isku dayayeen inay xoog ku galaan magaalada, waxayna dagaal la galeen koox Falastiiniyiin ahaa oo hubeysnaa.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay khasaaraha faraha badan ee ka dhashay weerarada.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleJoe Biden oo ka Hadlay Isticmaalka Hubka Nukliyeerka ee Dalka Ruushka iyo Hakinta Heshiiska Labada Dhinac
Next articleMaamulka garoonka Aadan cadde oo beeniyey warar lagu baahiyey Baraha bulshada