Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

Wararkii ugu Danbeeyey Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xalay ka dhacay qaybo kamid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay maqaaxi ku taalla xaafadda Kaawa Godey ee degmadaasi, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in xilligaasi ay maqaaxida ku sugnaayeen askar ka tirsan ciidamada dowladda oo la sheegay inay ku qayilayeen halkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 1 askari, ayada oo ay ku dhaawacmeen saddex kale oo ka mid ahaa askarta ky sugneyd goobta

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay xaafadda Kaawa Godey ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Dharkenley oo ku aadan qaraxaas iyo howlgalka xigay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana ay shaaca ka qaaday inay dishay, kuna dhaawacday askar ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa meesha uu qaraxu ka dhacay oo ay ku yaallaan goobo kale oo ganacsi.

Qaraxaan ayaa qayb ka noqonayo qaraxyo kale oo horay uga dhacay Zoobe, kuwaas oo illaa iyo hadda sameyntooda laga dareemo waddadaas, maadaama ay dad badan ku dhinteen, kuwa kalen ay ku dhaawacmeen, dhismayaal badana ay ku burbureen hakaasi.

Si kastaba, qaraxan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalin kahor ay kooxda Al-Shabaab weerar toos ah ay ku qaaday guri ku yaal degmada Cabdicasiis, kaas oo lagu daaweynayay dhaawacyada qaar kamid ah ciidamada Macawiisley ee kusoo dhaawacmay gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleBeesha Reer Aw-Xasan oo bayaan culus kasoo saartay doorashada kursiga Fahad Yaasiin ee HOP086
Next articleJoe Biden oo ka Hadlay Isticmaalka Hubka Nukliyeerka ee Dalka Ruushka iyo Hakinta Heshiiska Labada Dhinac