Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka HirShabelle, Cabdi Daahir Guure (Karoore) ayaa si kulul uga hadlay weerarkii qaraxa ku billowday ee ay Al-Shabaab shalay ku qaaday guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu beegsaday dhaawacyo ka tirsan ciidanka Macawiisleyda.
Karoore ayaa sidoo kale xusay in weerarkaan uu ahaa mid aargudasho ah oo ay Al-Shabaab uga jawaabeyso jabkii loogu geystay gobolka Hiiraan, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu dayac amni lagu sameeyay dadkaasi, isaga oo sababta ku sheegay in reer Hiiraan aysan wa metalaad ah ku laheyn gobolka Banaadir.
“Waa qorshe ay maleegeen oo ay ku guuleysteen, Gobolka Banaadir haddii ay tahay amnigii iyo talooyinka kaleba dadka deegaankaas kasoo jeedaa wax metelaad ah kuma lahan,” ayuu markale yiri wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka HirShabelle.
Dowladda Soomaaliya waxay dhankeeda shaacisay in dagaalka lagu dilay 10 qof, sidoo kalena lagu dhaawacay 7 kale oo ay afar ka mid ah yihiin askar ka tirsan ciidanka amniga.