Xog aan ka helna eayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay dib u bilowday baadii ay ka qaadi jirtay ganacsatada suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Sida aan xogta ku helnay hanjabaad ayaa ku jirta lacag doonista cusub ee Al-Shabaab, qaar ganacsatada kamid ah oo isku dayay inay cudur-daartan ayay kooxdu u hanjabtay sida la sheegay.
Laakiin xubnaha ay kooxda Al-Shabaab usoo dirtay suuqa Bakaaraha ee maalmahan wareegaya ayaa ka biyo diiday in sabab cabsi dowladeed ah lacag loogu diido.
NISA waxay shalay faafisay digniin la xiriirta ganacsatada isku dayaysa inay kooxda lacag ahaan ula macaamilaan.
Hay’adda Sirdoonka waxay sheegtay inay heshay xogo sheegaya in Al-Shabaab bilaabeen inay goobo cusub ugu yeeraan ganacsatada Muqdisho, waxayna NISA uga digtay dhibaatada ganacsatadaas kasoo gaari karta beegsiga lagu hayo goobahaasi.
Dowladda federaalka waxaa hortaalla inay dib u bilowdo dagaalkii cusla si aanay kooxdu u helin fursad ay kusoo kabato, ganacsatada Muqdisho-na waxaa la gudboon inay dowladda kala shaqeeyaan qabashada xubnahaas dhuumashada ku aruurinaya lacagta.